Latest Media
Qu,aanka Wax Qalad ...
[26-08-2016 10:03]
Guurka Ilma adeerad...
[21-08-2016 22:47]
Maxaa loo guursadaa...
[15-08-2016 01:24]
Barnaamijka Bandhig...
[11-08-2016 17:04]
Barnaamijka Qubanah...
[09-07-2016 02:53]
Tahriibka iyo Dhiba...
[16-04-2016 18:10]
Masar oo Nooqtay Me...
[09-04-2016 18:00]
ITOOBIYA OO LEEXSAT...
[03-04-2016 06:57]
Daawo Qabsashadii c...
[03-07-2014 19:43]
Daawo Muuqaal ahaan...
[03-07-2014 19:43]
     
Caaqil Yuusuf Dhagaxow iyo Wafdi uu Hogaaminayay oo si weyn loogu soo dhaweeyey Jowhar (Daawo Sawirada)
Wefdiga uu Hogaaminaya Caaqil Yuusuf Dhagaxow Caaqilka Beesha Baadacade iyo Nabadoono ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe,waxaana soo dhaweyntooda ka qeybgalay Waxgaradka iyo Qurbajoogta ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,waxaana wafdigan looga hortagay meel 20km u jirta dhanka koonfureed Magaalada Jowha.

Caaqil Yuusuf Cali Cumar (Caaqil Yuusuf Dhagaxow) ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhaweeyey magaalada Jowhar waxa uuna sheegay in u ka qeybgalayo shirka Maamul usameyna Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee gogoshiisa taalo Jowhar.

“Maanta si weyn ayaa la iigu soo dhaweeyey Magaalada Jowhar,Waxaan u imid ka qeybgalka
Shirka Maamulka loogu sameenayo labada Gobol,Aad ayaa ugu Mahadcelinayaa Dhammaan dadkii ka qeybgalay soo dhaweynteyda”ayuu yiri Caaqil Dhagaxow.

Nabadoon Cabdi Abukar Mahadi oo ka mid ah Wefdiga Caaqil Dhagaxow ayaa Baaq u diray Beelaha Walaalaha ee ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

“Waxaa Baaq Nabadeed u dirayaa Beelaha Walaalaha ee ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan,Dagaal wiil baa ku dhinto wiil kuma Dhasho,Waxaa labada Beelood si deg deg ugu Codsaneynaa in ay Nabadda qaataan Xabaddana Joojiyaan”ayuu yiri Nabadoon Cabdi Abukar.

Nabadoon Axmed Muxumed Cabdi oo ka hadlay Soo dhaweynta wefdiga Caaqila ayaa sheegay“Dowladda waxaa laga rabaa in ay dardargaliso Dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,Shacabka labada Gobol waxa ay in muddo ah sugayeen in maamul matala ay helaan maadaama dalka uu qaatay Nidaamka Federaalka,Dowladda waxaa laga rabaa in Beelaha dega labada Gobol ay si cadaalad ah wax ugu dhisto”ayuu yiri Nabadoon Axmed Muxumed.

Nabadoon Axmed Cali Jimaale oo ka hadlay soo dhaweynta Caaqil Yuusuf Dhagaxow ayaa sheegay“Aad ayaa ugu faraxsanahay in maanta uu soo gaaro magaalada Jowhar Caaqilka Beesha Baadacade,waxaa uu Caaqilka u yimid Jowhar ka qeybgalka Shirka Maamulka loogu sameenayo Gobolada Hiiraan iyo
Shabeelaha dhexe,Dowladda waxaa ka codsanayaa in ay dardargaliso Shirka maamulka loogu sameenayo Labada Gobol”ayuu yiri Nabadoon Axmed Cali.

Wefdiga uu hogaaminaayo Caaqil Yuusuf Dhagaxow ayaa ku biiraya Wufuud kala duwan ee ka qeybgaleysa Shirka Maamulka loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,waxaana Jowhar dib ugu furmay wejigii labaad Shirka Maamulka Labada Gobol.














Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
News From The World
Deadly suicide bombing strikes Somalia's capital
30-08-2016

Thousands of migrants rescued off Libya
30-08-2016

One dead, three wounded in blast at Chinese embassy in Kyrgyzstan
30-08-2016

Trump vows crackdown on immigrants who overstay visas if elected
28-08-2016

Europe migrant crisis: Germany expects 'up to 300,000' this year
28-08-2016

Italy quake death toll hits 278, state funeral planned
26-08-2016

Al Shabaab militants bomb Somali beach restaurant, gunfight ongoing
25-08-2016

Islamophobia and Radicalized Perceptions (By Abukar Arman)
25-08-2016

An earthquake flattened towns in central Italy in the early hours of Wednesday, killing at least 120 people...
24-08-2016

At least 120 killed as quake flattens towns in central Italy
24-08-2016

As Kerry lands in Nigeria, air force says top Boko Haram fighters killed
23-08-2016

Turkish military returns fire in Syria after shells hit border town
23-08-2016

At least 10 killed in suicide car bomb attack in Somalia
21-08-2016

South Sudan opposition leader Machar seeks safety in neighboring DRC
18-08-2016

Turkey attacks: Blasts targeting police and soldiers kill at least 12
18-08-2016

NY man in court charged with murdering Muslim cleric, assistant
17-08-2016

Olympic sprinter finishes slower than most high school girls, but is still an ‘inspiration’
14-08-2016

BBC weekly audience in Africa rises to a record 111 million
11-08-2016

Al Shabaab attacks Somali town west of Mogadishu - AMISOM
06-08-2016

Kenya hit by electricity outage, Nairobi without power
06-08-2016

Somalia: Opposition Parties Order President to Vacate State House by the 10th
05-08-2016

Dispatches: Small Step Towards Prosecutions for Abuses in Somalia
05-08-2016

The president of Galmudug State Abdikarim Hussein Guled’s health is stable after successful surgery of his ...
04-08-2016

Can Somalia Hold Credible Elections in Time?
02-08-2016

Situation Analysis of Children – A call for action to realize the rights of all Somali children
01-08-2016

Militants launch car bomb, gun attack on Somali police base.
31-07-2016

Why Muslim officers are leaving Kenya Defence Forces
30-07-2016

     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.