Latest Media
Qu,aanka Wax Qalad ...
[26-08-2016 10:03]
Guurka Ilma adeerad...
[21-08-2016 22:47]
Maxaa loo guursadaa...
[15-08-2016 01:24]
Barnaamijka Bandhig...
[11-08-2016 17:04]
Barnaamijka Qubanah...
[09-07-2016 02:53]
Tahriibka iyo Dhiba...
[16-04-2016 18:10]
Masar oo Nooqtay Me...
[09-04-2016 18:00]
ITOOBIYA OO LEEXSAT...
[03-04-2016 06:57]
Daawo Qabsashadii c...
[03-07-2014 19:43]
Daawo Muuqaal ahaan...
[03-07-2014 19:43]
     
Daawo Sawirada'' Jaamacadaha UNISO iyo MUST oo heshiis dhanka waxbarashada ah kala saxiixday
Kadib socdaal ay ku yimideen Muqdisho wafdi ka socda jaamacadda Mbarara ee Culuumta iyo Tiknoolajiyadda (MUST) oo ku taalla dalka Uganda, ayaa waxaa maanta heshiis dhanka waxbarashada ah ay kukala xaxiixdeen Muqdisho labada jaamacadood ee Soomaaliya (UNISO) iyo Mbarara.

Heshiiska oo ay goob joog ka ahaayeen gudiga sare ee jaamacadda Soomaaliya, maamulka jaamacadda, u qeybsanaha jaamacadda ee qaaradda Afrika, iyo masuuliyiin kale, ayaa waxaa si wada jir ah u saxiixay gudoomiyaha jaamacadda Soomaaliya, Dr. Ismaaciil Cali Siyaad iyo dhiggiisa Mbarara, Prof. Celestino Obua.

Saxaafadda ayey si wada jir ah ula hadleen labada gudoomiye, waxaana hadalka ku horumaray Dr. Ismaaciil Cali Siyaad kaas oo tafaasiil ka bixiyay waxa uu ahaa heshiiska ay kala saxiixdeen labada jaamacadood.

Gudoomiyaha jaamacadda Soomaaliya, Dr. Ismaaciil Cali Siyaad ayaa waxa uu yiri, “Aad ayey noo farxad gelineysaa in aan heshiis la saxiixanno jaamacadda Mbarara. Heshiiskaan waxa uu qeyb ka qaadanayaa howlaha aan ku tayeyneyo waxbarashada”.

Waxa uu intaa raaciyay, “Maalmo ka hor waxa aan heshiis sidaan oo kale la saxiixannay Jaamacadda Islaamka ee dalka Uganda (IUIU), dhawaanna waxa aan la saxiixan doonaa heshiis jaamacado kale oo ku yaalla qaaradda Aasiya oo ay kamid tahay jaamacadda Assumption ee dalka Thailand”.

Gudoomiyaha jaamacadda Mbarara, Prof. Celestino Obua, ayaa waxa uu markiisa la hadlay warbaahinta waxa uuna cabbiray dareenkiisa ku aadan saxiixa heshiiska waxa uuna aad ugu mahadceliyay maamulka iyo aasaasayaasha jaamacadda Soomaaliya oo suura geliyay in uu Muqdisho yimaado kadibna uu heshiis dhaxal gal ah la saxiixdo dhiggiisa jaamacadda Soomaaliya.

Waxa uu yiri, “Heshiiskaan waxa uu anfacayaa dalalka Soomaalida iyo Uganda, waxa uu sare u qaadayaa isweydaarsiga aqoonta”

Madaxda jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay hadiyada gudoonsiiyeen kana gudoomeen hadiyada kale wafdiga ka socday jaamacadda MUST, waxaana markaas kadib madaxda labada jaamacadood ay socdaal ku tageen xarunta jaamacadda Soomaaliya ee Ismaan Geedi Raage oo ah xarunta kulyadda Caafimaadka ee jaamacadda, Isbitaalka Jaamacadda iyo xarunta maamulka.

Intii ay joogeen xarunta Ismaan Geedi Raage waxa ay tageen maktabadda oo ay kumanaan bug taallo, ardayda qaar kamid ahna ay buugaag ku aqrisanayeen, waxa ay booqdeen fasallo, waxa ayna ugu danbeyn la kulmeen madaxda kulyadda caafimaadka iyo maamulka Xarunta.

Mudda isbuc gudihiis ah, waa heshiiskii labaad ee jaamacadda Soomaaliya ay la gasho jaamacad kale, waxaana arintaan aad u soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed oo sii laba jibaaray kalsoonidii ay ku qabeen jaamacadda, waxaana aad isaga soo daba dhacaya fariima hanbalya ah oo baraha bulshadu ku kulanto loogu dirayo maamulka Jaamacadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Dr. Ismaaciil Cali Siyaad.













Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
News From The World
Italy quake death toll hits 278, state funeral planned
26-08-2016

Al Shabaab militants bomb Somali beach restaurant, gunfight ongoing
25-08-2016

Islamophobia and Radicalized Perceptions (By Abukar Arman)
25-08-2016

An earthquake flattened towns in central Italy in the early hours of Wednesday, killing at least 120 people...
24-08-2016

At least 120 killed as quake flattens towns in central Italy
24-08-2016

As Kerry lands in Nigeria, air force says top Boko Haram fighters killed
23-08-2016

Turkish military returns fire in Syria after shells hit border town
23-08-2016

At least 10 killed in suicide car bomb attack in Somalia
21-08-2016

South Sudan opposition leader Machar seeks safety in neighboring DRC
18-08-2016

Turkey attacks: Blasts targeting police and soldiers kill at least 12
18-08-2016

NY man in court charged with murdering Muslim cleric, assistant
17-08-2016

Olympic sprinter finishes slower than most high school girls, but is still an ‘inspiration’
14-08-2016

BBC weekly audience in Africa rises to a record 111 million
11-08-2016

Al Shabaab attacks Somali town west of Mogadishu - AMISOM
06-08-2016

Kenya hit by electricity outage, Nairobi without power
06-08-2016

Somalia: Opposition Parties Order President to Vacate State House by the 10th
05-08-2016

Dispatches: Small Step Towards Prosecutions for Abuses in Somalia
05-08-2016

The president of Galmudug State Abdikarim Hussein Guled’s health is stable after successful surgery of his ...
04-08-2016

Can Somalia Hold Credible Elections in Time?
02-08-2016

Situation Analysis of Children – A call for action to realize the rights of all Somali children
01-08-2016

Militants launch car bomb, gun attack on Somali police base.
31-07-2016

Why Muslim officers are leaving Kenya Defence Forces
30-07-2016

BBC Hausa Launches Women’s Writing Award
26-07-2016

2 suicide car bombs near Mogadishu airport & UN offices kill 13 in Mugadishu
26-07-2016

Ottawa man critically injured during arrest has died
25-07-2016

3 Al-Shabab terrorists killed in southern Somalia
21-07-2016

Kenyan police kill two suspected members of Somalia's Al-Shabab
21-07-2016

     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.