Latest Media
Daawo Booliiska dal...
[20-06-2013 00:09]
Daawo Askarigii boo...
[19-06-2013 23:50]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[19-06-2013 17:29]
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
     
Kulan Farxad iyo kaftan ah oo dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Maamulka Puntland!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)
Kulan ay ka muuqatey farxad iyo kaftan ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhexmaray garoonka diyaaradaha ee dalka Kenya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Daawo Muuqaal ahaan Kulanka Dhaxmaray Masuuliyiinta

Kulankaan oo u muqday mid la soo qorsheeyey oo ay madaxdaasi isku arki lahaayeen ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud waxaa uu ku soo dhaweeyey oo uuna kula Kulmay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, iyadoona uu halkaas ku dhex marey kaftan iyo is marxabeyn u muuqatey mid kal iyo laab ah islamarkaan ay halkaas isku dhaafsadeen hadalo kaftan ah, Sidoo kale ayaa waxaa halkaas uu madaxweynaha Puntland uu kula kulmay Yuusuf Garaad Axmed oo asagana kula kaftamay hadalo ay ka mid ahaayeen nin kugu soo dhaweeyey dal uusan lahayn soo rag ka rooni ma'ahan.

U
gu dambeymtiina iyadoo muuqaalkaas ka muuqday madaxdaas Soomaaliyeed uu yahay mid ka duwan feker ay aamisnaayeen qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed islamarkaana meesha ka saaraaya inuu jiro qilaaf weyn oo u dhexeeya Dowlada Soomaaliyeed iyo maamulka Puntland ayaan arintaan la ogeyn inay tahay kulamo ay dadka Soomaaliyeed ay horey uga soo daaleen oo ahaa mid aan niyad ahayn, wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxwnaha maamulka Puntland ay kulan ay ku yeeshaan halkaas ay si wanaagsan isugu af garteen waxyaabihii ay ka wada hadleen, Laakiin inuu kulankaas uu ahaa mid ka daacad ah sida uu ugu muuqday dadka Soomaaliyeed ayaa dib laga ogaan doonaa iyadoona ay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay muuqaaladaas ku sheegeen inuu ahaa qiyaali iyo maaweelo loo dhigaayo dadka Soomaaliyeed.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com



     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.