Latest Media
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
Daawo Muuqaal ahaan...
[15-06-2013 00:28]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[15-06-2013 00:23]
Daawo Shacabka Giri...
[15-06-2013 00:16]
     
Wararkii Ugu Dambeeyay Rabshadihii lagu boobayay Goobo ganacsi ee Soomaali lahaayeen iyo Police-ka oo War cad kasoo saaray
Iyado Saakay Ay Xaalada Kuso Laabatay Si Caadi Ah Degaanada Greenfields,Nakhola Iyo Booysen Park Ee Duleedka Magalada Port Elizabeth Islamarkaane Ay Ciidama Badan Oo Police Ah Ay Halkaasi Wali Jogan Ayaa Saraakiil Ka Tirsan Police-ka K/Afrika Waxay War Cad Kasoo Sareen Rabshadahii Qasaraha Dhaliyay Ee Lagu Boobay Hantida Soomaalida Laguna Dilay Wiilkii Soomaaliyeed,

Captain Stanley Jarvis Oo Ah Afhayeen U Hadlay Police-ka K/Afrika Ayaa Sheegay In Dhacdooyiinkii Isdaba Jooga Ahaa Ee Ruuxay K/Afrika Ay Ahaayeen Kuwa Wajiyo Badan Xambaarsana Waxa Uu Sheegay In Ay Isugu Jireen Kuwa Galaaftay Naf Iyo Maalba Isago So Hadal Qaaday Dhacdoyin Dilal Ah Oo Laba Isbuuca Ka Dhacay Nawaxiga Magalada Port Elizabeth Iyo Boobkii Hantida Soomaalida Waxaana Uu Yiri,

"Shalay Nin Soomaali ah ayaa faasas iyo middiyo Qudha Loga jaray Degaanka Greenfields Ee Duleedka Port Elizabeth ,Ninkan La Dilay Waxa Uu Noqonaya Ninkii Sadaxaad Ee La Dilo Muda Todobad Gudahiisa,Dilalkasi Ma Ah Kuwa Ay Dadka Banaanbaxaya Dhigaya Geeysteen Waxa Dilalkasi Geeystay Rag Burcad Ah ,

Afhayeenkan Captain Stanley Jarvis Oo Ciidamadda Police-ka U Hadlay Waxa Kalo Uu Tibaaxay In Kooxo Si Sharci Daro Ah Isu Soo Abaabulay Oo Ka Soo Horjeeda Dadka Soomaalida Ah Ee Ku Nool South Afrika Inay Tageen Deegaanadda Ay Degan Yihiin Dadka Soomaalidda Islamarkaane Ay Ganacsiyada Ku Leeyihiin Halkaas Oo Ay Ka Sameeyaan Dibad Baxyo Ka dhan joogitaanka Dadkaa Ajaanibka Ah Ee Soomalida Ah Oo Beryhanba Halkaa Ka Socday ,

Hasa Ahatee Captain Stanley Jarvis Waxa Uu Hoosta Ka Xaqriiqay In Weeraradan Dilalka Ah Ee Lala Beegsanayo Dadka Soomaalidda Ah In Aan Lala Xiriirin Karin Masuuliyadooda Dadka Dibadaxyadda Dhigaya, Balse Ay Ka Danbeeyaan Kooxo Gangis Ah Ama Burcad Ah,
Si Kastaba Waxa Saakay Xiran Dhamaan Meheradihii Ganacsi Ay Soomaalida Ku Lahaayeen Deegaanadda ku yaalla Port Elizabeth Gaar Ahaan Degaanada Booysen Park,Nakhola Iyo Greenfields Iyado Qaarkoodna La Gubay Oo Dab La Qabadsiiyay Lana biliiliqaystay Wixii Hanta Iyo lacag Taalay Oo dhan,Waxana Ganacsatadii Halkasi Kaso Laga So Barakiciyay Ay Haatan Buux Dhaafiyeen Saldhigayada Police-ka


Omar Kiyow
Cumar065@hotmail.com
Port Elizabeth
K/Afrika

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.