War Deg Deg ah:Dhacdooyin aan wanaagsaneyn oo hada laga dareemayo qeybo ka mid ah deeganaada Soomaalida...
Xaalada Kacsanaan Ayaa Ka Jirta Degaanada Maokeng Iyo Kroonstad Ee Gobolka Free State Oo Ay Soomaalida Ganacsiyo Xoogan Ku Leeyihiin Kadib Markii La Weeraray Oo Qarkood Laga Qaatay Alaaba Kala Duwan Sida Uu Warbaahinta U Sheegay Sargaal Sare Oo Ka Tirsan Police-ka Ka Howlgala Gobolkasi.
Dhacdadan Cusub Ee Haatan oo Laga Soo Warinayo Gobolka Free State Ayaa Daba Socoto Rabshadaha Boobka Wata Ee Lala Beegsanayo Soomaalida Ganacsiyada Ku Leh Dalka K/Afrika oo waayihii ugu danbeeyay qaati ka taagnaa weerarada aan kala joogsiga laheyn ee burcadu ku heyso.
Afhayeen U Hadlay Police-ka Ayaa Sheegay In Xaalada Ka Jirta Degaanada Maokeng Iyo Kroonstad Ee Gobolka Free State Ay Ka Danbeeysay Kadib Markii Ay Isoo Bax Sameyeen Shucuub Ku Kacsan municipality Degaankasi Ka Jirta Balse Ay Isku Badashay In La Beegsado Ganacsiga Soomaalida Walow Aysan Xaqiijin Karin Tirasada Saxda Ah Ee Dukamaha La Weeraray Ee Hantida Laga Qaatay,
Wixii War Ah Ee Rabshadaha Koofur Afrika Ka Dilaacay Kala Soco Wararkeena Danbe.