Hooyo u dhalatay dalka Czech Republic laguna magacaabo Alexandra Kinova ayaa ka lacageeysatay warbaahinta Caalamka ka dib markii ay maalin kasta wareeysi kula dhaqaaqeen Telefishino caan ka ah Dunida.
Alexandra Kinova oo 23 jir ah waxaa Caloosheeda ku jira 5 Caruur ah oo caafimaad qaba taas oo dhali doonta isbuucaan gudihiisa sida ay sheegtay dhaqtarada ku shaqada leh dhalmada haweeneydaan.
Alexandra Kinova oo wareeysiyo kala duwan bixisay waxeey mararka qaar ka qoslisay Saxaafada taas oo sheegtay in 3 ka mid ah Caruurta u dhalan rabta ay magacyadooda u diyaarisay halka 2 ka mid ah aysan wali u helin magacyo qurxoon.
Alexandra Kinova ayaa sidoo kale sheegtay in shanta Caruur ee ku jira Caloosheeda uu hal mid oo kaliyah madax iyo dhaq dhaqaaq kala daalay halka afarta kale ay yihiin kuwo degan oo aan dhaq-dhaqaaq badneeyn.
Shabakadda Allbanaadir.com Xafiiska Oslo Norway xusni-yare@hotmail.no