War deg deg ah: Mowshinkii ka dhanka ahaa Ciidanka Kenya oo fashil ku yimid.
Sida ay Allbanaadir.com u xaqiijiyeen xildhibaanna Soomaaliyeed waxaa fashil ku yimid mowshin ka dhan ahaa ciidamada Kenya ee Somaaliya jooga kaas oo 25-kii bishii tagtay loo gudbiyay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Mowshinkaasi oo la sheegay in uu ahaa mid loogu gogol xaarayay bixitaan ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayaa waxaa gudbiyay xildhibaanna dhowr ah kuwaas oo ku sababeeyay soo gudbinta mowshinkood hab-dhaqanka xun ee ciidadama Kenya ay Kismaayo ka wadaan.
Fashilka Mowshinkaan ku yimid ayaa waxaa lagu sheegay in uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn kadib markii ay arinta taxliiliyeen gudoonka baarlamaanka oo loogu tala galay in aay shan maalin ka baaraan degaan.
Ilo wareedyada aan ka xigannay warkaan ayaa waxa ay ku waramaayan in aysan suura gal aheyn in xilligaan ciidanka Kenya laga keeno mowshin iyaga oo arintaas u cuskanaya in dowladu aysan isku filneyn dhanka meleteriga, dhibka ay ku hayaanna uu uga daranyahay dhibka ay ka hayaan.
Mowshinanada baarlamaanka loo gudbiyo ayaa waxaa dasturku qabaa in gudoonku uu heysan karo shan maalin oo qura kadibna uu baaralamanka u soo gudbiyo iyada oo sida xeerku aahana laga gudbay xilligii sharcigu qabay.
Ciidanka Kenya ee Soomaaliya jooga oo aad u taagera Jabhada kaliya ee xilligaan ka jirta Soomaaliya ee Raas-kanbooni ayaa waxa ay caqabad ku tahay in maamulka dowliga ah deegaanada Jubooyinka iyo Gedo la gaarsiiyo inkasta oo hadana ciidanka Kenya ay yihiin awood dowlada ka hor taagan Shabaab.