Latest Media
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
Daawo Muuqaal ahaan...
[15-06-2013 00:28]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[15-06-2013 00:23]
Daawo Shacabka Giri...
[15-06-2013 00:16]
     
Daawo Sawirada kulankii sedaxaad oo Madaxweynaha Soomaaliya uu shir-gudoon ka noqnayo oo la段claamiyay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka qeybgalaya shirka TICAD V ee ka socda magaalada Yokohama ee dalka Japan ayaa waxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshey mas置uliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne Ku xigeenka Kenya, Madaxa Bankiga Adduunka, Madaxa UNICEF, iyo mas置uliyiin kale.

Waxaa maanta magaalada Yokohama ka furmay shirkii caalamiga ahaa ee TICAD kiisa shanaad oo ay madaxda dalalka Africa uga qeybgalayeen. Shirkan ayaa Dowladda Japan 5tii sanaba mar u qabata dalalka Africa iyadoo lagu xoojinayo xiriirka Africa iyo Japan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Kenya Willaim Ruto oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha qaxootiga, Kismaayo, iyo arrimaha amniga.

Labada mas置ul ayaa si wanaagsan isagu afgartay dhammaan arrimihii ay ka wada hadleen iskuna raacay in shir caalami ah lagu qabto Nairobi oo ay labada dowladood iyo Qaramada Midoobey wada shir guddoominayaan iyadoo looga hadlayo sidii Soomaalida qaxootiga ku jooga Kenya ay dalkoodii hooyo dib ugu soo laaban lahaayeen iyadoo Qaramada Midoobey laga sugayo inay qaxootigaas nolol wanaagsan ugu sameeyaan dalka gudihiisa.

Labada mas置ul waxey ka wada hadleen oo kale arrimaha Kismaayo oo labada Wasiir Arrimo Dibedeed ay Nairobi ku hareen si ay isula meel dhigaan arrimaha amniga xuduudaha.

Labada Wasiir (Fowzia iyo Amina) ayaa maanta shir jar誕aid ku wada qabtay Nairobi soona bandhigay in labada dowladood ay isku raaceen in guddi wadajir ah ay ka wada shaqeeyaan sidii arrimaha amniga xuduudaha xal waara loogu heli lahaa iyo soo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxaana la rajeynayaa in labada madaxweyne ay dhowaan kulmaan si loo sii ambaqaado kulamadoodi hore ee Addis Ababa iyo Mombasa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar a la yeeshay madaxa Bankiga Aduunka Jim Yong Kim oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen sidii Bankiga Adduunka uu Soomaaliya uga saacidi lahaa maamulka iyo maareynta maaliyadda, sidii Somalia deymaha lagu leeyahay looga cafin lahaa si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan mashaariic horumarineed oo uu bankiga Adduunka hirgeliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com





























     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.