Ciidamadii kasocday Dalka Sierre Leone oo caawa Madaafiic tiro badan lagu soo dhaweeyay qalqal badana uu ku dhacay
Wararka ka imaanaya Caawa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in caawa Madaafiic tiro badan lagu garaacay saldhigyo ciidan oo la dajiyay ciidamo kasocday Dalka Sierre Leone oo Maanta gaaray Kismaayo.
Ciidamadan oo qeyb ka ah Howlgalka AMISOM tiradoodana ay gaareeso ilaa 100-Askari ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoona durba ciidankaasi isla maanta ay usii gudbeen Magaalada Kismaayo oo markii hore loo qorsheeyay in ay ka howl galaan.
Ciidamadan ayaa markii ay gaareen Kismaayo waxaa la dajiyay saldhigyo ciidan oo horey loogu sii diyaariyay halkaas oo durba Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab caawa kusoo weerareen kuna garaaceen madaafiic aad u tiro badan.
Lama oga Qasaaraha soo gaaray Ciidamada Sierre Leone ee Maanta gaaray Magaalada Kismaayo Caawana Madaafiicda lagu soo dhaweeyay ,waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada Sierre Leone ee qal qal badan galeen ayna bilaabeen in madaafiic culus ku gaaraacaan goobihii laga soo weeraray.