Latest Media
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
Daawo Muuqaal ahaan...
[15-06-2013 00:28]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[15-06-2013 00:23]
Daawo Shacabka Giri...
[15-06-2013 00:16]
     
Nin lagu wado in loo magacaabo gudoomiyaha Kismaayo oo Muqdisho ku soo fool leh.(XOG)
Waxaa lafilayaa in maalinta berri ah uu Muqdisho soo gaaro nin ka soo jeeda deegaanada Jubaland oo lasoo duulay dalka Austaralia kaas oo dowlada Soomaaliya ay dooneyso in ay u magacaawdo in uu madax ka noqdo maamul KMG ah oo deegaanada Jubaland loo sameeyo.

Ninkaan oo magaciisa aan ku helnay Cabdullahi waxa uu kasoo jeeda qabiilka Shiikhaaleed oo kamid ah beel weynta Hawiye oo kamid ah qabiilada ku nool deegaanada Jubaland ee waayahaan xasarada xooggan ay ka taagneyd.

Soo dhaweynta Ninkan waxaa si aad ah looga dareemayaa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, iyada oo Odayaasha dhaqanka, Dhalinyarada iyo haweenkuba ay isu diyaariyeen soo dhaweynta hagar la’aaneed ee masuulka sida KMG ah logu dhiibi doono Kismaayo hadii aan wax is-bedlin.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa laga codsaday xilligii uu socday shirkii ugu danbeeyay ee urur gobaleedka IGAD in ay Muqdisho ku qabato shir dib u heshiineed oo leesugu keeno qabaa’ilada ku nool Jubooyinka iyo Gedo oo ku kala irdhoobay maamuladii kala duwanaa ee halkasi looga dhawaqay , sidoo kalana maamul KMG ah ay u sameyso deegaanadaasi si maamulkii dowladnimo uu u sii jiro.

Sida muuqata hadii dowlada Soomaaliya ay magacaawdo maamulkii KMG ee Kismaayo waxaa halkaasi ka soo baxaaya in ay horay u qaaday tilaabo loo baahnaa ayna xigto in gogoshii nabadeed ay Muqdisho dhigto, inkasta oo aan la ‘ogeyn qaabka ay ugu hogaansami karaan qolyaha isku magacaabay madaxweynayaasha ee Kismaayo ku sugan hadii masuulkasi laga dul geeyo.

Gobalada leesku yiraahdo Jubaland oo ka kooban sedax gobal ayaa xilligaan waxaa ka jira ugu yaraan lix madaxweyne iyada oo dowlada Soomaaliya laga doonayo in ay ka gaarto xal waara oo ay ku nastaan dadka deegaanka oo ay daashadeen colaado isugu jira kuwa qabiil iyo kuwa diimeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.