Soomaali Waali & Sarqaan isku darsaday oo leh Soomaalida meeshii aad ku aragtaan Dila ana ha la idilo(Bal Daawo Afxumadaan)
Nin dhereg dhacsi iyo afxumo meel la fadhin waayay oo waliba lagu sheegay inuu sarqaan sanyahay ayaa bilaabay inuu ku jees jeeso Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan dalka South Africa
Ninkaan oo is qarinaya soona diray Maqal iyo Muuqaal ayaa leh Soomaalida ha lagu dilo meel kasta maxaa yeelay iyaga ayaa is dili jiray oo isa soo qaxshay. Faanka ninkaan sarqaansan ayaa gaaray inuu yiraahdo Qaramada Midoobay, Midowga Yurub , Midawga Africa iyo Mareeykanka ayaa codsi u diray una sheegay in Soomaalida meel kasto lagu dilo wuxuuna leeyahay codsigaas waxaa aqbashay South Africa.
Jees jeeska uu ku jiro ninkaan xumaan doonka ah ayaa waxaa xaqiiqo ah in uu alle mar uun ka aqbali doono in qudhiisa la dilo ama dhibka uu shacabka Soomaaliyeed la doonayo uu isaga ku habsado.