Al-shabaab oo shalay Fagaare ku dishay mid kamid ah wariyaashii ugu caansanaa ee la soo shaqeeyay (Aqri magaciisa).
Kooxda Al-shabaab ayaa waxa ay shalay xukun dil ah ku fulisay markii ugu horeysay taariikhda wariye iyaga la soo shaqeeyay oo ugu danbeyn ka tanaasulay howlihii uu u qaban jiray kooxda.
Fu’aad Nuur Calasoow (Shiine) oo 24-sana jir ah oo Al-shabaab ay ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya iyo sidoo kale Taliska AMISOM ayaa shalay waxa uu kamid noqday laba ruux oo ay ku toogteen fagaare ku yaalla degnada Baraawe ee gobalka Sh/hoose.
Waxa uu Fu’aad Nuur Calasoow wax badan ahaa wariye la shaqeynayay Shabaab isaga oo si gaar ah uga howl-geli jiray idaacada Al-furqaan oo ah mid kamid ah idaacadaha ugu muhiimsan ee kooxdu ay ku baahiso wararkeeda waxa uuna ku howl gali jiray uu caan ku ahaa Magaca Fu'aad Maxamed Xaaji .
Markii uu cadaadiska lagu hayo kooxda Shabaab uu soo batay ayaa waxaa la sheegay in Fu’aad Nuur Calasoow uu go’aansaday in uu isaga soo tago Shabaab oo uu magaalada Muqdisho dhinac ka soo galo iyada oo ugu danbeyn arintaasi ay u hir-gashay oo uu soo degay qeybo kamid ah caasimada.
Soo degitaankiisii Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in ay xigtay xarig ay kula dhaqaaqeen nabad-sugidda Soomaaliya inkasta oo ugu danbeyn la soo daayay dadaal dheer oo ehelkiisu u galeen sidii uu xornimo ku heli lahaa.
Bilooyin kadib markii uu magaalada Muqdisho ku noolaa ayaa waxaa mar qura la waayay meel uu ka baxay arintaas oo sababtay in hooyadii oo aad u jeceleed wiilkeeda ay ku dhacaan cudurro halis ah oo ay ilaa xilligaan la jaha wareersantahay.
Iyada oo meel loo raadiyo laga quustay ayaa Al-shabaab waxa ay shalay baahiyeen in ay dileen Fu’aad Nuur Calasoow oo ay ku sheegeen basaas ay umada ka qabteen.
Waayihii danbe waxaa isi soo tarayay wariyaasha isaga tegaya shaqada ay u hayaan Shabaabka iyada oo kuwii ugu danbeeyay ay ahaayeen laba wariye oo in badan ka howl gelayay idaacada Andulus oo isu dhiibay maamulka gobalka Baay ee koofurta Soomaaliya.
Dilka wariyahaan Fu’aad Nuur Calasoow ayaa dad badan waxa ay u arkaan in uu yahay mid lagu cabsi gelinayo wariyaasha kale ee xilligaan la shaqeeya Shabaab kuwaas oo qaarkood ku haminaya in ay isaga huleelaan deegaanada ay ka taliyaan kuna soo wareegaan halka ay ka jiraan maamulada dowliga ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi Kenya
Allbanaadir@live.com