Latest Media
Daawo Muuqaal Ahaan...
[19-06-2013 17:29]
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
Daawo Muuqaal ahaan...
[15-06-2013 00:28]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[15-06-2013 00:23]
     
Dowladda Masar Danaha gaar ah ay xiligan ka leedahay Dalka Soomaaliya oo la ogaaday!!! .
Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa dhowaan booqaasho ku tagay Saraakiil Milatari ah oo ka socday Dowladda Masar ooo uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Ayman Majdi, iyagoo halkaasina ay kulamo kula qaateen Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed.

Habadaba Booqashada ay saraakiishan ku tageen Magaaladda Muqdisho iyo waxa xiiligan ku soo beegay booqashadooda ayaa ka hadlay C/rashiid Cali Cumar oo ah Madaxa qeybta qaanuunka iyo Siyaasada ee Xarunta Raa’id ee Cilmibaarista iyo Daraasaadka Soomaaliya, Waxa uuna sheega in ay jiraan khilaaf xoogan oo ku saabsan Biyaha Wabiga Niilka oo mar kale circa isku shareeray kadib markii dawlada Itoobiya ay todobaadyadii lasoo dhaafay si rasmi ah ugu eedaysay Dawlada Masar inay ka caga jiidayso dadaalka loogu jiro xal u helida khilaafka biyaha Niil iyadoo sidoo kalena Ethiopia ay ku goodisay in heshiis cusub oo ku saabsan wadaaga biyaha Wabiga Niil ay la geli doonto 6-Wadan oo Afrikaan ah oo aysan ku jirin Masar iyo Sudan.

C/rashiid ayaa ku tilmaamay booqashada Saraakiisha ka socday Dowladda Masar in ay ku cabsi gelineyso Dowladda Itoobiya Maadaama ay xuduud wadaagaan Soomaaliya, taasina ay soo dedejineyso in ay wadahadal isugu yimaadaan labada dowladood ee Masar iyo Itoobiya, si xal waarta ah looga gaaro biyo xireenka Wabiga Niil ee kasoo burqada Dalka Itoobiya.

Ugu dambeyn Madaxa qeybta qaanuunka iyo Siyaasada ee Xarunta Raa’id ee Cilmibaarista iyo Daraasaadka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay talaabo kasto oo lagu hormarinayo Dowladda, , hase ahaatee wuxuu dowladda kaga digay in aysan noqon dowladd lagu daneesto .

Waxaa Xusid mudan Wabiga Niil inuu yahay Wabiga uga dheer aduunka wuxuuna maraa 10 Wadan oo ku yaala Qaaradda Afrika,waxaana biyihiisa si weyn uga faaiidaysta Dalalka Masar iyo Suudaan.

C/qaadir Maxamed C/qaadir
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum - Suudaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.