Latest Media
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
Daawo Muuqaal ahaan...
[15-06-2013 00:28]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[15-06-2013 00:23]
Daawo Shacabka Giri...
[15-06-2013 00:16]
     
Dowladda Soomaaliya oo Gacanta Laga Saaray Dhismaha Maamulada Dalka iyo Warkaan oo ka Naxeen Maamulo Badan!!
Golaha Ammaanku waxaa uu soo dhoweeyay war-murtiyeedkii shirkii Soomaaliya ku saabsanaa ee toddobadii bishii May lagu qabtay magaalada London ee wada jirka ay u guddoominayeen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Britain.

Golaha Ammaanku waxaa uu sheegay inay si buuxda u taageerayaan qorshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta ciidammadeeda qalabka sida iyo boliiska iyo dib u dhiska garsoorka dalka iyo horumarinta hannaanka maamulka maaliyadda ummadda.

Golaha Ammaanku waxaa kaloo uu soo dhoweeyay Furitaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmada Soomaaliya(UNSOM) oo saddexdii bishan Juun laga furay magaalada Muqdisho, waxaana uu goluhu sheegay inay hawsha xafiiskaas ku taageerayaan wakiilka cusub ee gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay. Waxaana goluhu uu muujiyay muhiimadda ay leedahay in xafiisku uu dhaqso u gaaro meelo ka baxsan Muqdisho.

Golaha Ammaanku waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in xafiiska Qaramada Midoobay uu taageero hab nabadgelyo iyo dib u heshiisiin ay Soomaalidu horseed ka tahay.

Waxaa uu golaha Ammaanku Sheegay inay filayaan in hawl galka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu noqdo mid lagu mideysan yahay marka la gaaro bisha Jannaayo ee sanadka dambe 2014 iyadoo xafiisku isku xirayo taageerada caalamku siinayo dowladda Soomaaliya kuna baaqayo wada shaqeyn ay yeeshaan hay’adaha caalamiga ah iyo ururrada ay ka mid yihiin Midowga Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub.

Golaha Ammaanku waxaa uu mahadcelin u jeediyay xafiiskii hore ee Qaramada Midoobay wakiilka ug ahaa Soomaaliya ee UNPOS iyo ciiidanka AMISOM, waxaana uu goluhu codsaday in la taageero hawlka Midowga Afrika ee Soomaaliya(AMISOM) siiba xagga dhaqaalaha laga caawiyo.

Golaha Ammaanku waxaa uu xoojiyay xushmadda uu u hayo qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada. Waxaa uu goluhu muujiyay muuhimadda wada hadallo wax ku ool ah oo dhexmara dowaldda federaalka ah iyo maamullaada deegaannada iyo gobollada dalka.

Goluhu waxaa uu IGAD la wadaagaa walaaca ay ka qabaan xaaladda ka taagan magaalada Kismaayo waxaana dhinacyada oo dhan loogu baaqay inay ka fogaadaan wixii ficil ah ee halis gelin kara nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxaana uu goluhu soo dhoweeyay ballan qaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay hoggaamiso dadaal dib u heshiisiineed ee gobollada Jubbooyinka iyadoo taageero ka helaysa UNSOM, IGAD iyo ciddii kale ee ku habboon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi - Kenya
Allbanaadir@live.com


     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.