Latest Media
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
Daawo Muuqaal ahaan...
[15-06-2013 00:28]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[15-06-2013 00:23]
Daawo Shacabka Giri...
[15-06-2013 00:16]
     
War deg deg ah: Gudoomiye ku-xigeenka Gobalka Banaadir oo ka bad-baaday weerar lagu khaarijin alhaa iyo Qasaara badan oo ka dhashay weerarkaasi.
Waxaa inyar kahor ka bad-baaday weerar miino loo adeegsaday oo lagu khaarijin lahaa gudoomiye ku-xigeenka gobalka Banaadie ee dhanka siyaada Cali Axmed Guure oo socdaal ku marayay qeybo kamid ah Muqdisho.

Wararka laga helyo degmada Deyniille ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay xaqiijinayaan in wafdi uu hogaaminayay gudoomiye ku-xigeenka gobalka Banaadir ee dhanka siyaada, Cali Axmed Guure, oo marayay qeybo kamid ah degmadaasi lagu qaaday weeerar miino loo adeegsaday kaas oo uu ku dhintay darawalkii kaxeynayay gaarigiisa.

Weerarka lagu qaaday gudoomiyaha ayaa waxa la sheegay in uu ku bur-buray guud ahaan gaarigiisii iyada oo ay ku dhaawacmeeen sedax ruux oo ay ku jireen shacab goobta ka ag dhawaa.

Sida uu u sheegay Shabakadaan Allbanaadir, gudoomiyaha waaxda Barwaaqo ee degmada Deyniille oo ah halka qaraxu ka dhacay, xillgii weerarku dhacayay waxa ay aheyd xilli wafdigu ay is-taageen halka lagu magacaabo Al-huda Cali Axmed Guure oo ahaa masuulka weeerarka lala eeganayay uu dhulka uga soo degay gaarigiisa.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa sida wararka aan ku heleyno gudoomiyayaasha degmooyinka Deyniile iyo Warta-nabadda oo iyna wax dhibaata ah aysan ku gaarin weerarka lala eegtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com



     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.