Madaxweyne Faroole iyo Sheekh Axmed Madoobe oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada)
Axmed islaam axmed madoobe oo ka mid ah Madaxweynayaasha Jubblanad ayaa waxa uu maanta kulan aan la shaacin la yeeshay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan faroole.
Faroole iyo axmed Madoobe oo ah markii ugu horaysay oo ay kulmaan ayaa waxaa kulanka goob jog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Rai’sul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashid Cali Sharmake, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamad Cabdi Gaandi, iyo Ganacsato ay ka midyihiin Maxamed Ibraahim Shakuul oo ah Ganacsade caan ka ah magaalada Nairobi iyo Yaasiin Jaamac gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubba-land
Kulankaan oo ahaa mid is barasho ah ayaa la sheegay in ay soo qaban qaabiyeen Ganacsatada ka Qeybgashay Kulankaas aan la shaacin.
Saraakiishii ka Qeybgashay kulankaas ayaa Bogan u sheegay in faroole uu ku cadaadiyay axmed islaam axmed madoobe in uu ka qeybgalo shirka ka dhiici doono magaalada Muqdisho, kaasi oo loogu magaca daray shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka.
Ganacsatada kulankaas soo qaban qaabisay ayaa la sheegay in ay u balan qaadeen in ay siin Doonaan axmed madoobe dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Doolar, si uu horay ugu sii Wado howlihiisa iyo maamulkiisa caalamka uusan Aqoonsanayn ee Jubbaland.