Latest Media
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
Daawo Muuqaal ahaan...
[15-06-2013 00:28]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[15-06-2013 00:23]
Daawo Shacabka Giri...
[15-06-2013 00:16]
     
Waa maxay sirta ka dambeysa qaxootiga Kenya laga soo celinayo ee Soomaaliiya la soo dejinayo?
Dhowaanahaan waxaa soo xoogeysanayey wararka ku saabsan in dib loo soo celinayo qaxootiga ka buuxa xeryaha dalka Kenya ku yaala kuwaa oo hadii ay suuro gasho Soomaaliya la soo dejinayo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay arintan waxaana ay u gudbinayaan hay'adaha qaramada midoobay ee ku shaqada leh arimaha dadka qaxootiga balse illaa hada si rasmi ah looguma dhawaaqin gobalka dadkan lagu celin doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in qof walba magaaladii uu ka yimid markii hore dib loogu celiyo inkastoo Kenya arin midaas ka duwan ay wadato oo ah in dhamaan dadkan lagu celiyo dib u dejina loogu sameeyo goboladda Jubooyinka.

Dadka qorshaha Kenya ka soo horjeeda ayaa ku doodaya in dadkan ay yihiin dad badankood hal beel ka soo wada jeeda kana kala yimid qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah iyo dhulka Soomaalida Itoobiya, hadii lagu celiyo Jubooyinkana ay sii hurin karaan colaadaha halkaa markii horeba ka aloosnaa.

Kenya waxa ay doonaysaa in dadkan la celinayo ay xoog iyo taageero u noqdaan kooxaha ay wadato sida Axmed Madoobe, kuna doodo in dadkii dhulkaan iska lahaa ay kuwaan yihiin.

Waxgarad ka soo jeeda gobolada Jubooyinka oo soo dhoweeyey in dad Soomaaliyeed dalkooda dib loogu soo celiyo ayaa hadana dowladda dhexe u soo jeediyey in qof walba meeshii markii hore uu ka qaxay dib loogu celiyo, waxaana ay sheegeen in hadii ay dadkaa ku jiraan kuwo Jubooyinka hore u degenaan jiray aaney jirin cid ka hortaagan.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.