Saraakiisha garabka Axmed Madoobe oo Digniin adag u jeediyay Wafdiga Dowladda (Waa maxay sababtu).
Wararka laga helaayo Madaxda Maamulka Jubbaland, garabka Axmed Madoobe, ayaa sheegaya in Maamulka uu Wafdiga Dowladda ee Kismaayo jooga ugu baaqeen inay isaga baxaan Magaallada.
Sarkaal ka tirsan garabka Axmed Madoobe oo la hadlay Shabkadda Allbanaadir ayaa waxa uu sheegay in Ciiddamadda Raaskambooni aysan sugi Karin Ammaanka Mas’uuliyiinta Dowladda ka socda.
Sidoo kale, Sarkaalka ayaa waxa uu sheegay in Maamulka uu ka cabsi qabo in Dagaalka Kismaayo ka socda uu saameyn ku yeesho Garoonka iyo Ammaanka Wafdiga Dowladda ka socda isagoona ugu baaqay inay ku laabtaan Magaallada Muqdisho ka hor inta aysan Khasaaro ka soo gaarin dagaalka.