Latest Media
Daawo Booliiska dal...
[20-06-2013 00:09]
Daawo Askarigii boo...
[19-06-2013 23:50]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[19-06-2013 17:29]
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
     
Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay mid kamid ah naadiyadii ciyaaraha gobalada maamulkaasi
Waxaa maanta xabsiga la dhigay guud ahaan kooxdii ku ciyaaresay magaca gobalka Togdheer ee Somaliland xilli leesu diyaarinayay in ay dheesho lugtii labaad ee ciyaaraha gobalada oo Hargeysa ka socda.

Xariga kooxdaan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii la ogaaday xurguf kooxda dhexdeeda ka jirtay oo sababtay in qaarkood ay isi soo hubeeyaan laguna arko iyaga oo hub wata gudaha garoonka ciyaarta lagu dheeli lahaa ee Hargeysa

Wararku waxa ay sheegayaan in markii hubkasi la arkay Police-ku ay go’aansadeen in ay dhamaan xiraan maamulka iyo ciyaartoyda oo xilligaan ku jira xabsiga Hargeysa iyada oo ciyartii ay galabta lahaayeen ay sidaa uga baaqatay.

Wasaarada Sport-iga Somaliland ayaa waxa ay sheegay in kiiska kooxdaasi ay gacanta ku heyso masuuliyiinta anashaxa u qaabishan wasaarada ayna go’aan ka soosaari doonaan sida laga yeelayo.

Waxaa wararku sheegayaan in kadib markii kooxda jeelka loo dhaadiciyay ciyaartoodiina ay baaqatay halka ciyaar labaad oo iyana isla galabata balansaneed in ay dhacdo kali ah galabta ay hir gashay.

Waa markii ugu horeysay ee koox dhan oo ciyaar la heyd xabsi lagu guro si kadis ah xilli ay waliba daqiiqado ka dhinaayeen bilabashada ciyaar ay ku balanasanaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.