Latest Media
Dhagasyo Aabaha dha...
[24-04-2014 00:38]
Daawo Baaskiil Murq...
[24-04-2014 00:30]
Daawo Goobaha Caawa...
[23-04-2014 22:29]
Daawo Gabar Soomaal...
[22-04-2014 19:11]
Daawo yaabkaan Diya...
[22-04-2014 19:01]
Daawo Nicholas Kay ...
[21-04-2014 16:19]
Daawo Muuaal Gabar ...
[21-04-2014 00:53]
Daawo Silvio Berlus...
[21-04-2014 00:47]
Daawo Hooyo Somali-...
[20-04-2014 01:08]
Daawo Jini baabuur ...
[20-04-2014 00:29]
     
Soomaali ma sidan Aragney ayey Ilaahey uga fogtahay Ethiopia iyo Kenya oo Cadaw u ahna Deris ma u yahiin (Qormo xiise leh )‏
Waqti haatan mudo dheer laga joogo (Philosophy) Filasoofi u dhashey dalka Mexico ayaa mar uu la yaabey Quusna uu ka istaagey xaalad Jahwareer ah oo ay mudo dheer ku jireen dadkiisa Reer Mexico waxuu yiri umadeyda Reer Mexico ma sidan arkey bey Ilaahey uga fog yahiin dalka Mareykanka oo Cadaawad ay ka dhaxeysaysana Deris ma u yahay.

Hadaba Waqtigan aanu ku jirno marka dhinacyo badan laga eego xaalada Jah wareersan ee Somaliya ay dhex dabaalaneyso sow kuma sifeyn karno xaaladaas uu ka hadley Ninkaa (Philosophy) Filasoofi u dhashey dalka Mexico oo ma oran karno Soomaalidu ma sidan aragney ayey Ilaahey uga Fogyahiin Ethiopia iyo Kenya oo Cadaw u ahna Deris ma u yahiin.

Dhab ahaan marka loo hadlo Halaaga Soomaaliya ku dhacey looma kala harin hadey tahay waxii horey inoo soo marey iyo weli tan aanu haatan ku jirnaba waxaana dhibaatooyinka Tirada badan ee ina heysta ka mid ah iyadoo Hogaanka ay inoo hayaan Siyaasiyiin Iimaan beelayaal ah keliyana u taagan sidii ay u qancin lahaayeen shisheeyaha gaar ahaan Dawladaha Deriska ah una Boobi lahaayeen Xoolaha Umada Soomaaliyeed ay leedahay kuwaasoo Mugdi ku ridey aayahii Qarankii Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo iyaguna dhibaatooyinka is biirsadey ee Soomaaliya ku habsadey ka mid ah Ganacsato aan ilaahey ka baqeyn inyar mooyee oo Umadii ay ka dhasheen Cunaha ku dhegan marna Sicir barar ku rida Ascaarta marna Cunto dhacdey ka iibiya.

Dhaqaatiir inyar oo Iimaan leh mooyee inta kale marna dadkooda Goobaha Caafimaadka ku Sliciya marna Dawo halis Caafimaad leh u qora. Wadaado dhawr Firqadood ka kooban oo Diin sheeganaya misana qaarkood Masaajidada beydkii ilaahey looga fakan waayey oo dadka ku dilaya.

Kuwa Beesha Caalamka lagu sheego oo u taagan Lugooyada Soomaaliya. Dawladaha deriska la ah Soomaaliya oo ka faa,iideysanaya Qaran Bur Burka nagu dhacey. Burcad badeed .Shacbiga Soomaaliyeed oo Hurdo dheer isaga jira intaas iyo qaar kale oo wada dhibaato ah ayaa Soomaaliya Qoorta u suran.

Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo ka mid ah Abwaanada ugu caansan Soomaaliya ayaa markii uu la yaabey Xaalada ay Soomaaliya ku jirto waxuu yiri. Soomaaliya Hal Milyan oo Garuun ayaa loo heystaa taasoo uu ula jeedey tiro badnida Cadawgeeda u taagan Hagar daamadeeda iyo sida ay Hurdada dheer ugu jiraan Dadkeeda.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa Walaalayaal Aaminsan hadii aanu nahay Shacbiga Soomaaliyeed in ay Carada Ilaahey nagu dhacdey ka dib markii wax kasta oo Rabigeen ka careysiiya aanu sameyney waxaana Carada Eebe ay keentey in Gorada naloo surey Hogaamiyeyaal Soomaali ah oo Hogaamintooduna ay tahay mid aad u Liidata iyadoo sida aanu ognahay markaanu is Bar Bardhig ku sameyno Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo kuwa Caalamka kale ay kala noqoneyaan kaaf iyo kala dheeri waxaana Tusaale aan u soo qaadan karnaa Dunida horumartey Hogaamiyeyaasha soo mara waxey ku dadaalaan marka ay xukunka ka degayaan iney dalkooda iyo dadkooda uga tagaan wax ay mahdiyaan si Taariikhdu ay u xusto. laakiin Soomaaliya kuwa Hogaanka u qabta kuma fekeraan iney wax wanaag ah ka tagaan waxa keliya ee laga dhaxlaa waxey tahay Bur Bur iyo Halaag sii socda.

Farshaxaniistaha Caanka ah ee Soomaaliyeed Amiin Caamir oo mudo dheer aan saaxiib nahay ayaa mar sii horeysey oo aan ku kulaney shir ka dhacayey Gobolka Washington Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa aniga iyo axsaab kale nooga sheekeeyey Qiso la xiriirta is bar bardhig uu ku sameeyey Hogaamiyeyaasha Caalamka iyo kuwa Soomaalida isagoo si gaar ah u eegayey kuwa Soomaaliya marka kursiga ay ka tagayaan waxa laga dhaxlo waxuuna isagoo arintaas ka sheekeynayey uu yiri.

Waxaa had ka hor dhacdey in Nin odey ah oo Soomaali ah uu xanuunsadey dabadeedna waxuu u tagey Dhaqtar markuu la kulmayey ninkaa odeyga ah dhaqtarka waxaa la socdey Wiil uu dhaley. Markii dhaqtarkii uu Baaritaan ku sameeyey ninkii ayuu u sheegey inuu qabo Cudur Kansarka xaaladiisa Nololeedna ay Qatar ku jirto.

Hadaba Markii ninkaa Odeyga iyo wiilkiisa ay dhaqtarkii kasoo tageen oo Gurigooda ay yimaadeen ayaa waxaa dhacdey in Ninkii uu Go,aansadey inuu isugu yeero Eheladiisa iyo Axasaabta uu leeyahay si uu ugu sheego waxii uu Dhaqtarka kusoo yiri.

Markii Ragii ay isu yimaadeen ayaa Ninkii odeyga ahaa waxuu Ehelka iyo Axsaabtiisa u sheegey in xaaladiisa caafimaad ay halis ku jirto ka dib markii Dhaqtar uu la kulmey u sheegey inuu qabo Cudurka Dilaaga ah ee Aids,ka. inta uu Noolaan karana ay yartahay. Markii arintaas ay maqleen Ragii goobta joogey aad bey uga naxeen waxeyna yiraahdeen Ilaahey baan kuu baryeynaa koley xaaladaadu waa mid darane.

Markii ay ka tageen Ninkii odeyga ahaa Ragii ayaa Wiilkiisa ku yiri Aabo maxaa dhacey oo Beenta u sheegeysaa sow Ilaahey kama baqeysid dhaqtarka kuma dhihin Aids ayaad qabtaa ee waxuu kugu yiri Kansar baa ku haaya. intuu cabaar aamusey ayuu yiri Aabo waa runtaa laakiin sababta aan Raga Axsaabteyda iyo Ehelka aan u iri Aids baan qabaa waxey tahay in marka aan dhinto Gadaashey la guursan Hooyadaa oo laga kala cararo. Saaxibkey Amiin Caamir sheekadaas u noo sheegey Biyo dhaceedu waxey tahay Hogaamiyeyaasha Soomaalida marka Kursiga ay ka tagayaan waxey ku tala galaan in laga dhaxlo Kursi ay Balaayo madow daba taal.

Ugu dambeyn waxaan Qoraalkeyga kusoo xirayaa Soomaaliya Ilaahey hala jiro koley Cadawgeedu waa badan yahaye.

Qalinkii. Cabdulahi Nur Maxamed Colombo.

Abdulahi63@hotmail.com


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
News In English From Somalia
Breaking News "Police officers among four dead in Pangani explosion
23-04-2014

N Special Representative for Somalia condemns killing of parliamentarian and media worker
22-04-2014

Two Somali lawmakers killed in Mugadishu 24 hrs(Press Tv)
22-04-2014

Prime Minister :The use of terror will not derail us from the progress made in securing Somalia”
22-04-2014

UNSOM Press Statement: UN Special Representative for Somalia condemns murder of Somali MP
21-04-2014

Somali lawmaker killed in Mogadishu car bomb( AFP)
21-04-2014

Somali President: “The culture of lawlessness that has plagued Somalia for the last 23 years is coming to a...
20-04-2014

Aden Duale changed his stand on the ongoing security operation
20-04-2014

Somali President: “Saudi Arabia has been a constant friend to Somalia throughout the years of trouble.”
19-04-2014

Kenya: Police Warn of New Carjacking Tactics in Town - Daily Nation
18-04-2014

Somali woman dies during Kenya's anti-terror roundup(MyFox9)
18-04-2014

UN-led troops to travel to Somalia(By Rodney Muhumuza)
17-04-2014

Kenya sends 91 Somalis to Mogadishu amid crackdown(AP)
17-04-2014

Somali President “Conflict in Taleh should be solved through dialogue, reconciliation and peaceful means.”
16-04-2014

UN Special Representative for Somalia appeals for calm and restraint in Sool
16-04-2014

Somali community in USA demands justice for families in Kenya
16-04-2014

Kenyans massively need Somalis’ presence in Kenya more than anyone else!!!!!
15-04-2014

British Firm to Explore Somalia Billions of Oil Barrels
14-04-2014

World Humanitarian Assistance Programs are Under Corruption (By:Kassim Isse Dhuhulow)
14-04-2014

Police say double slaying in south Minneapolis not random(Startribune)
14-04-2014

Mo Farah finishes eighth in London Marathon as Wilson Kipsang wins(The Guardian)
13-04-2014

Somali President thanks United Arab Emirates for cooperation on security and development
13-04-2014

Is Operation Usalama Watch a Somali Gulag?(by Billow Kerrow)
13-04-2014

It's economic sabotage, claim Somalis - The Star(The Star)
12-04-2014

Westgate attackers may have passed through Uganda: police - AFP
12-04-2014

Somalia backs deportation of illegal immigrants (Standard Digital)
12-04-2014

Senator Bule protests being held in Eastleigh "My documents are fake and detained me for more than 30 minut...
11-04-2014

Two Kenyans kidnapped by Somali militants in 2011 freed - (Reuters)
11-04-2014

Kenyan Police Accused of Seeking Bribes During Immigration Crackdown (VOA)
11-04-2014

Somali community seeks answers to gun violence in Minneapolis
10-04-2014

     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.