Booqashooyinka Madaxda iyo Masuuliyiinta Sar Sare ee Dowlada Soomaaliya oo Buuq Wayn ka dhashay..(Daawo Muuqaal+Warbiixn)
Booqashooyinka madaxda iyo masuuliyiinta sar sare ee dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay ka dhashaan buuq iyo is qab qabsi u dhexeeya jaaliyadaha Soomaalida ah ee ku nool wadamada ay booqanayaan.
Madaxda sare ee dowlada ayaa booqashooyinkooda ay ku tagaan wadamada dibada ayaa waxaa la sheegay inay ka yimaadaan muran la xiriira cida ka masuulka ah oo qaabilsan safarka madaxdaas iyadoona inta badan ay arintaa dhaliso is qab qabsi u dhexeeya dadka ka masuulka ah booqashada madaxda iyo dad kale oo isu heysta inay iyagu xaq u leeyihiin masuuliyadaas maadaama ay isku beel ama ay isku qabiil yihiin qofkaas madaxda ah, Dhibaatooyinkaas iyo iska hor imaadkaas oo soo jirey waligiis ilaa iyo wixii ka dambeeyey bur burkii dalka Soomaaliya ayaa waxaan jirin wali cid xal dhab ah ka gaartey arintaas, iyadoona ay wax caadi ah ay iska noqotey in mar walba oo qof madax ah uu booqasho ku tago wadamada dibada gaar ahaana dalalka Yurub iyo Ameerika ay dhaliso iska hor imaad ka dhasha cidii hor boodi lahayd booqashada madaxdaas dowlada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay arintaas salka ku heyso ka gudub la'aanta qabiilka iyo maamul xumida ka taagan wasaarada arimaha dibada oo aysan lahayn cid mar walba ugu diyaar ah madaxda iyo wafdiyada dowlada Soomaaliya wadamada ay booqanayaan ayaa taasi waxay keentay inuu yimaado wareerkaan iyo is qab qabsigaan u dhexeeya dadka Soomaaliyeed, iyadoona ay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo wali uu madaxa kaga jiro qabiil iyo inay ilowsan yihiin inay madaxda dowladu aysan u taagneyn ama aysan matalin qabiil gooni ah oo ayna dadka Soomaaliyeed oo dhan matalaan.
Abdirizak M. (Xiireey) Holland Abdirizakxiireey@hotmail.com