Latest Media
Daawo Muuqaal Ahaan...
[26-05-2013 00:43]
Daawo ciidamada Cir...
[25-05-2013 02:03]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[25-05-2013 01:36]
Daawo Muuqaal ahaan...
[24-05-2013 23:55]
Daawo Hoogaamiyihii...
[24-05-2013 16:43]
Daawo Muuqaal ahaan...
[24-05-2013 00:25]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[24-05-2013 00:09]
Daawo Muuqaal ahaan...
[23-05-2013 01:21]
Daawo Dabeeysha dil...
[23-05-2013 01:11]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[22-05-2013 22:12]
     
Dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ah oo si xun oo naxariis daro ah jirdil loogu geystey (Daawo Muuqaal+Warbixin)
Dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahayd ayaa waxaa la sheegay in si xun oo naxariis daro ah islamarkaana bini'aadanimada ka baxsan jirdil loogu geystey iyadoona dhalinyaradaas oo lugaha iyo gacmaha ka xir xiran si joogto ah oo arxan daro ah loo garaacey.

Daawo Muuqaal Ahaan jirdil loogu geystey Soomaalida Tahriibka ah

Dhalinyaradaan Soomaalida ah oo aan run ahaantii la ogeyn xilliga iyo meesha lagu garaacay ayaa waxay wararku qaar ay sheegayaan inay tahay xadka u dhexeeya wadamada Yeman iyo Sacuudi Carabiya iyadoona ay wararku sidoo kale ay sheegayaan inay yihiin waxa sidaas arxan darada ah u garaacaaya muwaadiniintaas Soomaalida booliiska dalka Yeman oo ku soo eedeeyey inay ku gudo jireen tahriib ay damacsanaayeen inay ku galaan dalkaas Sacuudiga, Dhalinyaradaan Soomaalida ah oo laga xir xiray lugaha iyo gacmaha ayaa waxaa si arxan daro ah loola dhacaayey karbaash iyadoona ay dhallinyaradaasi uu cabaadkooda baxaayey xanuun awgiis taas oo ragii garaacaayey aysan waxba u jxin jixaynin qaylada iyo oohinta ka baxaysay Soomaalidaas sida xun loo jirdilaayey oo ayna si joogto ah ugu sii wadeen garaacidaas.


Ugu dambeyntiina iyadoo ay arintaan ka mid tahay dhibka heysta dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale horey u jirey dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ku jirey oo lagala baxay qeybaha muhiimka ah ee xubnaha jirka bini'aadanka ka dib markii ay u gacan galeen kooxo ka ganacsada xubnaha jirka bin'aadanka xilli ay ku gudo jireen socdaalkooda tahriibka meel ku beegan saxaaraha u dhexeeya wadamada Liibiya iyo Suudaan, Dadka Soomaaliyeed ayaa waxay noqdeen kuwo ku dhibaateysan meelo badan oo ka mid ah aduunka.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com



     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.