Latest Media
Daawo Muuqaal ahaan...
[23-05-2013 01:21]
Daawo Dabeeysha dil...
[23-05-2013 01:11]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[22-05-2013 22:12]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[22-05-2013 14:49]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[21-05-2013 00:22]
Dowlada Soomaaliya ...
[21-05-2013 00:03]
Xafladii Somaliland...
[20-05-2013 00:05]
Dowlada Hubkeeda Iy...
[19-05-2013 19:53]
Dagaalkii Taageeray...
[19-05-2013 16:40]
Shacab ku Dhaqan So...
[18-05-2013 23:26]
     
Daawo Muuqaal ‘’ Hooyooyin Soomaaliyeed oo Ragooda ku Tilmaamay in ay habeenkii soo jeedaan Maalintiina ay hurdaan’’
Hooyooyin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingriiska ayaa waxaa la sheegay inay ku tilmaameen caruurta raga qaadka cuna kuwa agoon ah oo aan wax aabe ah lahayn inay la mid yihiin maadaam ay aabayaashood ay waxba kala socon nolosha qoyska iyo caruurtoodaba.

Daawo Muuqaal Ahaan Jaadka oo laga diidan yahay Dalka Ingriiiska

Hooyooyinkaan Soomaaliyeed oo ka qeyb galaayey banaanbax looga soo horjeeda Qaadka oo dhawaantaan ka dhacay afaafka hore ee xafiiska ra'iisalwasaaraha dalkaas Ingiriiska ayaa waxay sheegeen inay dhib ku qabaan ragooda jaadka cuna islamarkaana ay ragaasi habeenkiina soo jeedaan maalintiina ay hurdaan taas oo keentay inaysan waxba kala socon xaalada guriga iyo caruurtooda laguna tilmaami karo caruurta ay dhaleen raga jaadka cuna kuwo agoon ah oo aan wax aabe ah lahayn inkastoo ay aabayaashood joogaan maadaama aysan waxba kala socon nolosha qoyskooda iyo caruurtoodaba, hooyooyinkaan ayaa waxay ka dalbadeen dowlada ingiriiska inay ka joojiso dalkooda qaadka si wax looga qabto dhibaato uu ku haayo dadka Soomaaliyeed waa sida ay sheegeen haweenkaas dibadbaxaas ka qeybgalaayeye.

Ugu dambeyntiina iyadoo aan la ogeyn sida ay wax uga tari karto joojinta qaadka dhibka ay hooyooyinkaas sheeganayaan ayaa baaritaano qoto dheer oo la sameeyey waxay sheegayaan in joojinta qaadka aysan saameyn weyn ku yeelan karin dhibaaada ay hooyooyinkaan sheeganayaan iyadoona arimaha ay ka hadlayaan hooyooyinkaas ay tahay dhibo gaar ah oo ay iyagu qabaan oo u baahan in lagu xaliyo si qoys ahaan ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn dhibaato guud oo lagu joojiyo qaadka maadaama ay jiraan rag badan oo jaadka cuna islamarkaana aysan wax dhib ah ku qabin caruurtooda iyo qoyskooda oo aanan laguna tilmaami karin inay yihiin kuwo agoon ah sida ay u sheegeen hooyooyinkaas, iyadoona joojinta qaadka aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin arintaas maadaama hadii la joojiyo xataa qaadku uu si tuuganimo ah uu ku soo gali doono dalkaas sida ka jirta wadamo badan oo laga joojiyey jaadka oo ay ugu danbeysay dalka Holland oo wali si caadi ah looga helo qaadka.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com



     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.