Dad ku nool dalalka Talyaaniga iyo Giriiga ayaa waxa ay bilaabeen gawaaridooda iyo Mootooyinkooda in ay ka raadiyaan Xaafado kale oo ka fog halkii ay degnaayeen kuwaas oo qaarkood waliba la´halka ay jaan iyo cirib dhigeen gadiidkii ay ku socon jireen.
Roobab xoogan oo Dabeeylo xambaarsan iyo Baraf dhagaxaaan ah ayaa ka dilaacay Magaalada Catania ee dalka Talyaaniga iyo Caasimada dalka Giriiga ee Athens. Iskuulaad fara badan ayaa albaabada la isku dhuftay oo ilaa iminka xiran waxaana sii xoogeeystay qasaaraha ay geesteen Roobabkaan Mucjisada ah.
Mucjisada ugu yaabka badan ee Roobabkaan lagu arkay ayaa eheed Biyaha Roobka oo Gawaari iyo Mootooyin xaafado fog fog ka soo qaaday ka dibna u xawilay Xaafado kale waxaana la kala aqoon waayay dadkii sida rasmiga ahaa u lahaa Gawaaridaan iyo Mootooyinkaan .
Rakaabkii iyo Diyaaradihii ka soo degi jiray magaalada Catania ayaa waxaa loo xawilay ama loo wareejiyay dhanka magaalada Palermo waxaana sidoo kale dalka Giriiga xiran wadooyin fara badan ka dib markii halkaas ay gooyeen Geedo iyo Gawaari biyaha Roobabka ay xaafado fog fog ka soo qaadeen.
Shabakadda Allbanaadir.com Xafiiska Oslo Norway xusni-yare@hotmail.no