Ciyaaryahanka caanka ah ee Soomaaliyeed Orodada MO Faarax ayaa waxaa la sheegay inay yaab iyo amakaag ay ku noqotey su'aal ay weydiisay haweeney ka shaqeysa telefishin ku yaala dalka Mareykanka xilli ay si LIVE ah ay u wareysanay haweeneydaas.
Daawo Muuqaal ahaan Orod Yahan MO Faarax oo Yaabay
Haweeneydaan oo lagu magacaabo LaTonya Norton oo ka howlgasha telefishinka lagu magacaabo WDSU oo ku yaala magaalada New Orleans ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan ay si Live ah u wareysanaysay orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farax ka dib markii uu ku guuleystay orod lagu qabtey magaaladaas, Laakiin arinta la yaabka ku noqotey Mo Farax ayaa waxay ahayd markii ay haweeneydaas oo u muuqatey mid aanan aqoon weyn u lahayn halyeeygaan Soomaaliyeed ee ku guuleystay dhowr biladood oo orodada ah oo kii ugu dambeeyeyna uu ahaa orodka 5.000 iyo 10.000 meter ee ciyaaraha Olympica aduunka ee sanadkii hore lagu qabtey magaalada London ee dalkaas Ingiriiska markay weydiisay WALIGAA HADA KA HOR HOREY MA U ORODAY? Su'aashaas oo filan waa iyo wuxuu qaadan waayey oo ay ku noqotey awgeed ayuu orodyahankaasi ku celiyey mar kale maxaad tiri taas oo ay haweeneydaas oo aan u muuqan qof wax og ugu celisay mar kale isla su'aashii ayada ahayd. Mo Farah oo u muuqday mid si reer magaalnimo ah ugu jawaabaayo haweeneydaas ayaa ugu jawaabay haa waan u orday laakiin orodka magaaladaan New Orleans ayaa ah kii iigu horeeyey oo aan magaaladaan ku ordo.
Ugu dambeyntiina iyadoo Mo Farah ay arintaan ku noqotey mid la yaab leh ayaa waxay tani u muuqataa inuu ciyaaryahankaasi orodyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed uusan u soo xiisi doonin dalkaas Mareykanka, iyadoona ay arin kale oo fool xun ay ku qabsatey dalkaas Mareykanka dhamaadka sanadkii tagey ka dib markii ilaalada waaxda socdaalka ee magaalada Portland, Oregon ee dalkaas Mareykanka ay qabsadeen iyagoo ku tuhunsan arimo la xiriiro argagaxisanimo, Mo Farax oo ah ninka ugu caansan aduunka ee ciyaaraha Atletikada ayaa arimaas ay ku noqdeen wax lala yaabo oo maskaxdiisana ka weyn.
Abdirizak M. (Xiireey) Holland Abdirizakxiireey@hotmail.com |