Oday Waayeel ah oo Jaceel Xad dhaaf ah Loo Qaaday !! Yaa u Qaaday Jaceelka Xad dhaafka ah(Daawo Muuqaal+Warbiixn)
Dhacdo la yaab leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalkaas Ingiriiska ka dib markii gabar dhaliyaro ah oo jaceyl weyn oo xad dhaaf ah u qaaday oday ka weyn uu ceyriyey gabadhaas ka dibna ay soo wajahday gabadhaas wel wel iyo calool xumo jaceyl iyo odeygaas oo ay ka samri weysay ilaa iyo hadana ay jeceshahay.
Gabadhaan oo lagu magacaabo Kay Brooks oo 21 sano jir ah oo ku nool magaalada Bournemouth ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay jaceyl xad dhaaf ah ay u qaaday odey ka weyn oo lagu magacaabo Brian Sadler oo 70 sano jir ah, Gabadhaan iyo odeygaan oo isku bartey ka dib markii uu odaygaas uu horey saaxiib ula ahaan jirey gabadhaas habaryarteed ayaa waxay mudo wada socdeen odeygaas, laakiin xiriirkaas ayuu odaygaas soo afjarey iyadoona ay gabadhaas ay arntaas ka xumaatey ayadoo sheegeyso inay indhaheeda ka jeceshaya odeygaas oo aysana ka marmaarmi karin marnaba, Waan fahmi karaa ujeedkiisa laakiin kama ahaan karo oo waan jeclahay mar walbana diyaar ayaan u ahay waligeyna ma iloobi karo ayey tiri gabadhaas oo ka hadashay arintaas, Odeygaan ayaa asagana waxaa uu sheegay inuu gabadhaas la jecel yahay qof ay isku da'a ay yihiin asagoo sidoo kale ka calaacalay xaga sariirta oo uu sheegay inay ku adag tahay inuu qanciyo gabadhaas dhalinyarada ah baahideeda.
Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaasi ay wali ka samri la'adahay odeygaas iyo jeceylkii dhex maray ayaa waxay kale oo ay sheegtay inay odeygaas qorsheynayeen inay is guursadaan oo ayna wax u aruursanayeen guurkaas iyo qorshayaal kale, arintaan soo kororteyna ay yaab ku noqotey, Gabadhaan ehelkeeda oo markii horeba ka soo horjeedeen ayaa soo dhaweeyey arintaan, Ehelkeyga iyo asxaabteyda way ku farxeen arintaan laakiin anigu waxaan ahay qof aan dhameyn islamarkaana ku nool calool xumo iyo murugo ayey tiri gabadhaas, inkastoo ay dhalinyaro badan oo aan isku fac nahay ay i soo damceen hadana waxaan ka fekeraa waligeey iyo markasta ninkaas oo kaliya asaga ayaana waligeey sugayaa intuu fikradiisa ka soo badalaayo oo uu dib iigu soo noqonaayo ayey tiri gabadhaas oo si murugo leh uga hadleysay jaceylka ay u qabto ninkaas.
Abdirizak M. (Xiireey) Holland Abdirizakxiireey@hotmail.com