Latest Media
Daawo Booliiska dal...
[20-06-2013 00:09]
Daawo Askarigii boo...
[19-06-2013 23:50]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[19-06-2013 17:29]
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
     
Wiil Dhalin Yara ah oo ka Sheekeeyay Dhacdo Xanuun badan oo ku Dhacday (Xaaskayga ayaa i Qiyantay Dumar Dhan Ma aamino)
Waxaan ahaa wiil inta badan kumashquulsan shaqo marwalbo waxa aan imaada guriga aniga oo daalan xitaa iima suura galijirin in aan qadka Internet Ka soo galo markii laga reebo maalmaha sabtida iyo axada oo aan laha fasax aan kaga nasanayo 5 maalin ee aan shaqeeyo.

Xili ay maqrib tahay ayaa waxa igu so darsaday gabar aad u qurux badan misane sawirkeeda u saaran facbook profilka, isla markii ayaan aqbalay.

Maalmo yar kadib waan wada sheegeysanay skype-ka ayaan kala qaadanay maalmo yar kadib waxay iga codsatay kaamiro ahaan in aan kuwada sheegeysano run ahaantii aragtida koowaad ee aan arko Amran waxay ay aheyd mid ilaa hada aan wali hilmaamin.

Qurux ilaah ilaah ayaa u dhameeyey diomond hadii lagu tilmaamikaro waan ku tilmaamilahaa run ahantii,kadib wixii ka danbeeyey waxaan ahaa qof loo sii wato dhanka Amran oo marwalbo waxaan jeclaa in aan soo waco hadii aan joogo xitaa goobteyda shaqada aniga oo aan ogaa in ay iga fogtahay oo kala qaarad ku kala noolnahay Ethopia iyo Norway hadane taasi iima si muuqanjirin.

Mar un kaliya waxaan raadinjiray in aan niyad ahaan isu so dhawaano nasiib wanaag waan ku guuleystay taasi waxay aheyd mid ii hirgashay ,Run ahaantii marwalbo Amran waxa ay ii sheegijirtay in ay i jeceshahay aniga waxaan gaaray heer aan wax cuniwaayey hurdane warkeedaba daa.

Xiliwalbo oo aan shaqada ka imaado intenernetka ayaan hore kasoo fariisanjiray si aan u arko muuqaalkeeda wacan Waxay ii sheegtay markaan wixii ka danbeeyo nafsadeeda in ay ii hibeysay taas oo micnaheedu tahay in aan waalidkeeda ka doonto si fudud ayaa leygu siyey gabdha,Xiligaas wixii kadanbeeyey waxaan ku sugnaa farxad .

Maherkeena aye ladiyaariyey ,Kadib waxaan go'aansaday in aan usoo gaxeeyo Wadanka aan ku noolahay ee Norway, Waxay igu qaadatay in ka yar 3 bil keenista wadankaan Kulanka ugu horeeyey ama maalinta ugu horeeyey ee aan lakulmay waxay ii aheyd maalinta aduunka igu faxada badneyd si heersaro leh ayaan usoo dhaweeyey waxan kala saariwaayey in aan kujiro riyo iyo in kale waan rumeysanwaayey ileen waxan ahaa nafwax jecel.

Airporka markaan kaso gaxeeyey oo aan geenay gurigeyga jecel waalan ayaan usii qaaday magaaladii oo idil ayaan kusoo wareejiyey waxan tusay meelaha faras magaalaha u ah iyo meelaha laga raaco tareenada.

Labo isbuuc kadib maalin aniga oo kusoo laabtay magaalda ayaan waxaan waayey Amran mar qura telfoonkeeda ayan wacay misane wuu dansanyahay niyada yaan isku dhiso waxan is iri magaalada ayey wax kadoonatay kadib wey so laabneysaa.

wax so socdo malaha waan is celinwaayey waxaan u tagay cid Somali ah aan daris nahay oo aan weydiyey in ay arkeen Amran waxay ii sheegeyn inasan indho saarin waan rumeysanwaayey waxan ogahay gabadha wadanka in ay ku cubtahay aysan meelne kala garaneynin waxan u badiyey in ay dhuntay waxaan wacay police-ka oo aan ka dalbaday in ay i caawiyaan nasiib daro ayagane wey ku guuleysan waayeen.

Habeenkii oo idil waan hurdiyey waayey murug familgeeda ayan wacay sidoo kale waxay igu dhaheyn gabdheena nama so wicin wey ila murgeyn,Mar ay kaso wareegtay mudo 3 bil kadib ayaa waxaa ley sheegay in ay denmark u dhuumatay oo leygu yiri waxay aadey Ahmed oo ahaa wiil ay yaraanteeda is jecelaanjireen.

Anigane waxaan u maleynjiray qofka ay aduunka kaliya igu jeceshahay in aan ahay aniga niyad jab midii igu xumeyd ayaa iso foodsaartay,Magaalada oo idil caan ayaan ka noqday waa leygu sheegeysanjiray oo waxa ley dhihijiray gabadha uu mardhow keenay ayaa ka dhuumatay miskiin.

Markaasi wixi kadanbeeyey nolol dhan aya nacay waa niyad jabay waxan u dhaxeeyey aakhiro iyo aduun waxaan garanwaayey nolosha aan ku suganahay,hada sidoo kale waxwalbo oo ley sheego ama malaga yaabo in aan mardanbe aamino gabar ma uamleynaayo jecel in aan qaadidooni hada wixi kadanbeeyo.

Dhagax aya noqday aan waxba garin heer waxaan gaaray aan cuqdad u qaado gabdhaha oo idil.waxaan ka cabsanayaa nolosheeda inta kadhiman in aan ku dhameysto nolol aan cidine ila wadaagin maxaa yelay gabadha aan aduunka u jeclaa ayaa sida i gashay,hada hadii aan so xasuusto indhaheyga ilinta aya so dhaafeyso run ahantii.


Shabakadda Allbanaadir.com
Xafiiska Oslo Norway
xusni-yare@hotmail.no


     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.