Riditaankii Hosni Mubaarak ka dib Booliiska Masaarida oo Gar waa weeyn deeystay & qilaaf ka taagan... (Daawo Muuqaal+Warbixn)
Waxaa banaanbax balaaran dhigay qeeyb ka tirsan Ciidamada Booliiska dalka Masar gaar ahaan kuwa Garka deeystay oo ka cabanayay Dastuurka dalka Masar iyo Madaxweeynaha dalkaas Mr. Mohammed Mursi waxeeyna Booliiskaan oo tiradooda lagu sheegay 80 qof iyo Taageerayaashooda dalbadeen in loo fasaxo ama loo ogolaado in ay Garka deeystaan kuna shaqeeyaan sidaas.
Madaxweeynaha dalka Masar Mr. Mohammed Mursi ayaa waxaa laga sugayaa maalmaha soo socda in uu arintaan go´aan adag ka qaato maadaama codsigaan ama kiiskaan uu marar badan soo noq noqday. Dalka Masar xiliyadii uu hogaamin jiray Madaxweeynihii hore Mr.Hosni Mubaarak laguma arki jirin Booliis Gar leh ama sii deeystay Garka waxaana moodaa iminka in ay ku soo badanayaan Booliiska dalkaas Rag leh Gar waa weeyn maadaama dawlada dalka Masar qabsatay ama xukunto ay tahay mid Islaami ah oo uu hogaamiyo Madaxweeyne Mohammed Mursi.
Shabakadda Allbanaadir.com Xafiiska Oslo Norway xusni-yare@hotmail.no