Latest Media
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
Daawo Muuqaal ahaan...
[15-06-2013 00:28]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[15-06-2013 00:23]
Daawo Shacabka Giri...
[15-06-2013 00:16]
     
Daawo Sawirada Kulan Sagootin iyo is Xog wareysi loo Sameyay Xildhibaan Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow oo ka dhacay London!!
Waxa Xalay xaflad sagootin iyo is xog wareysi ah loogu sameeyey galbeedka magaalada London Xildhibaan Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Somaliyed kuwa ugu firfircoon kulankaasi oo ahaa mid aad u xiisa badan ayaa waxaa ugu horeyn goobta ka hadley Cabdi Cabdulle Fiidoow oo sheegay in mustaf yahey nin door wanaagsan ka cayaarey siyaasada Dalka Somaliya

Sidoo kale Jiijo Xaaji Xasan Ceynte ayaa kamid aheyd dadkii kulankaasi ka hadlay waxa ayna sheegtay inuu yahay kulankaan mid muhiim ah uuna noqon doonin kii u danbeeyey waxa ayna ku amaantey Xildhibanka howsha culus ee u uhaayo Qaranka Somaliyed

Waxaa kale oo goobta ka hadley Shiikh Cali Maxamud Jimcaale oo aad ugu dheeraadey ahmiyada ay u leedahey inay caawa wada casheeyaan Xildhibaan Mustaf Dhuxulow waxa uuna aad ula dardaarmay Xildhibanka howsha aad heyso meeshada kasii wad waan kugu faraxsanahey waana kuugu hanbalyeyneynaa sida aad wax u wado intii aad kusoo jirtey Siyaasada Somaliya waxa aad cayaareysey door aad u wanaagsan hadana waxaan kugula dardaarmayaa inaad meeshaada kasii wado ayuu yiri Shiikh Cali Max,uud Jimcaale waxa uuna gudoonsiiyey hadiyad qaali ah oo uu aad ugu farxey Xildhiban Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow

Ugu danbeyn waxaa halkaasi hadalo ubadan mahad celin kasoo jeediyey Xildhiban Mustaf waxa uuna siiyey warbixin ku saabsan xaalada dalka uu maraayo intii kasoo qeyb gashey xalfadaasi sagooonti aheyd













Saadaq Macalin Ibrahim
London-Uk
Allbanaadir.com



     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.