Latest Media
Daawo Booliiska dal...
[20-06-2013 00:09]
Daawo Askarigii boo...
[19-06-2013 23:50]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[19-06-2013 17:29]
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
     
Daawo Muuqaal ''Gabar Arday aheyd oo lagu dilay Magaalada Muqdisho oo aad looga Xumaaday iyo Ardayda Jamaacadda oo Walaac ka Muujiyay Dilka!!!
Ardeyda jaamacada ay dhiganeysay gabar lagu dilay dhawaantaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay ka xumaadeen islamarkaana ay walaac weyn ka muujiyeen dilka gabadhaas iyagoo sidoo kalena cambaareeyey dilkii waxashnimada ahaa ee loo geystey gabadhaas ardayada ahayd.

Daawo Muuqaal Ahaan Ardayda oo aad ugu Xun dilka Gabadhaas

Gabadhaan la dilay (AUN) oo lagu magacaabi jirey Nasteexo Cabdulaahi Maxamed oo 19 sano jir ahayd kana mid ahayd ardeyda wax ka barata jaamacada Jasiira ee magaalada Muqdishu oo lagu dilay dhawaantaan xaafada Wardhiigley xilli ay ku sii jeeday jaamacada ay wax ka baraneysay ayaa waxaa arintaas si weyn u cambaareeyey qeybaha kala duwan ee waxbarashada gaar ahaana ardeyda iyo maamulka jaamacada ay wax ka baran jirtey gabadhaas, Gabadhaan oo aan la aqoon cid ka dambeysay dilkeeda iyo sababta loo dilayba ayaa waxay sheegeen ardeydii ay wax isla baran jireen inay ahayd gabar caadi ah oo aan lagu aqoon wax ku saabsan siyaasad ama arimo kale oo ay ku lug lahayd.

U
gu dambeyntiina iyadoo gabadhaas geeriyootay ay naxdin iyo wel wel ku beertay ardeydii ay isku jaamacada ahaayeen ayaan waxaan wali sidoo kale cadayn cidii geysatey falkaas waxashnimada ahaa ee lagu dilay gabadhaas ardayada ahayd, Sidoo kale ayaan la fileynin in cid loo soo qaban doono falkaas lagu dilay gabadhaas marka loo eego fal dambiyeedyadii ka horreyey ee lagu dilay dad iyadoona ciidamada qaabilsan dambi baarista iyo booliiskaba ay howlahooda ay ka gaabiyaan marka ay noqoto dabagalka iyo baaritaan ku sameynta fal dambiyeedka lagu beegsado shaqsiyaad aan waxba galabsan, ayna arintoodu markasta ku ekaato WAXAA GOOBTAAS SOO GAAREY CIIDAMADA DOWLADA MAR meeshii lagu kala tegay iyadoona aanan dib dambe loo maqli doonin sheekadaas ama cid loo qabtey arintaas, sidoo kalena aysan jirin fal dambiyeedka ka dib cid is weydiisa ama sameyso baaritaan ku saabsan waxa dhacay iyo sida ay wax u dhaceen, Hadaba arintaas sow ma ahan mid dhalin karta in la isweydiiyo waxa ay qabtaan heyadaha dembibaarista iyo booliiska.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com



     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.