Latest Media
Daawo Muuqaal ahaan...
[24-05-2013 00:25]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[24-05-2013 00:09]
Daawo Muuqaal ahaan...
[23-05-2013 01:21]
Daawo Dabeeysha dil...
[23-05-2013 01:11]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[22-05-2013 22:12]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[22-05-2013 14:49]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[21-05-2013 00:22]
Dowlada Soomaaliya ...
[21-05-2013 00:03]
Xafladii Somaliland...
[20-05-2013 00:05]
Dowlada Hubkeeda Iy...
[19-05-2013 19:53]
     
Ahlusunna iyo dowlada Soomaaliya oo heshiis saqdii dhexe ee xalay ku kala saxiixday Galguduud.
Waxaa xalay saqdii dhexe ku kala saxiixday heshiis aan qodobada uu ka koobanyahay oo dhan lashaacin gudaha magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galguduud urur diimeedka qunyar socodka ah ee Ahlusunna iyo dowlada Soomaaliya.

Heshiiska ayaa dhanka dowlada Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka arimha gudaha Soomaaliya dhanka Ahlusunna ayaa iyana waxaa qalinka ugu duugay gudoomiyaha cusub ee golaha Fulinta oo saxiixaani uu noqonayo kii ugu horeeyay ee intii uu ahaa madaxa ugu sareeya golaha fulinta Ahlusunna uu galo.

Qodobka ugu muhiimsan heshiiskaani ayaa lagu sheegay in Ahlusunna lasiinayo xubna muhiim ah oo ay ku yeeshaan maamulada dowlada Soomaaliya iyada oo dhawaan lagu wado in gobalka galguduud loo sameeyo maamul ay dowladu hormuud ka tahay oo lafilayo in Ahlusunna ay ku yeelato saameyn weyn.

Ahlusunna ayaa in badan waxa ay ku cel celisay in ay doonayaan in ay xubna muhiim ah ku yeeshaan dowlada Soomaaliya, iyada oo laxasuusanyahy in Ahlusunna ay qeyb ka tahay Shucuubta Soomaaliyeed ee 4.5 wax loogu qeybiyay iyada oo wixii intaasi soo dhaafaahi dad badan oo siyaasada indha indheeya ay ku sheegeen sed buuri ay koox gooni ahi ku taameyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.