Cabdi ISmaaciil Samatar oo Dilka aan kala sooca laheyn ee lagu hayo Soomaalida Koofur Afrika sababtiisa ku sheegay daciifnimo heysata safaarada Soomaalida ee dalkaasi.
Ninka ugu badan ee dhaliila siyaasada Soomaalida, Cabdi Ismaaciil Samatar, oo wax laga weydiiyay sida uu u arko dilka iyo tacadiga taxanaha ah ee Soomaalida loogu geesto dalka dhaca koofurta Qaarada Madoow ee Koofur Afrika ayaa waxa uu sheegay in arintu ay salka kuheyso Soomaalida oo safaaradaeeda halkaasi ay tahay mid aan qaban howshii looga baahnaa.
“Hadii Koofur Afrika loo magacaabi lahaa safiir Tayo leh oo madaxda dalkaasi ka gedi kara sharafta Soomaalida iyo in dhiiga Soomaalidu uu qali yahay arintaasi waxbaa iska bedeli lahaa. Waxaa haboon in dowladu u magacaawdo safiir qibrad leh oo ku haboon shaqadaasi”, Cabdi ISmaaciil Samatar ayaa sidaa ku waramay.
Hadalka Cabdi ISmaaciil Samatar ayaa waxa uu u muuqdaa mid si gaar ah loogu weerarayay Mudane Sayid Shariif Xasan,, Safiirka Soomaalida ee dalka Koofur Afrika oodhawaan loo magacaabay loona cusbooneesiiyay shaqadiisii kadib markii wasaarada arimaha dibada Soomaaliya ay isugu yeertay safiiradeeda dibadda oo arinta sidii ay ku socan jirtay iyo sida hada lagu sii wadi karo si aad ah loo lafa guray
Dalka Koofur Afrika oo kamid ah dalalka qaaradaan Afrika ee Soomaalidu ay ku firxatay wixii ka danbeeyay dagaaladii sokeeye waxaan si aad ah ugu beegsada oo dhiigooda iyo hantidooda baneestay burcad Koofur Afrikaan ah oo sanad waliba khaarijiya tira dad Soomaaliyeed ah oo qaarkood dab qabadsiiya, qaarna seef ama xabad ku dila, iyaga oo sidoo kale hanti badan booba.