|
|
War Deg Deg ah: Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya oo maamullo u magacaawday degmooyin katirsan Gobolka .. |
|
wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa maamullo u magacaawday degmooyin katirsan gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya xili halkaasi ee wali booqasho ku joogaan R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Golaha Wasiirada.
Waregto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa waxaa lagu magacaabay maamulada degmooyinay kamid tahay Caabudwaaq.
Waxaa saxaafada u aqriyay wareegtada Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mudanayaasha lasafraya R/wasaare Saacid xilli ay kusugnaayeen degmada Caabudwaaq.
Wareegtadaan ayaa masuuliyiintii lagu magacaabay waxaa kamid ahaa Axmad Jaamac Cabdi oo loo magacaabay Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq iyada oo kuxigeenkiisana loo magacaabay Cabdi Risaaq.
Daahir Maxamed xirsi ayaa isna waxaa loo magacaabay sarkaalka dowlada Hoose u qaabishan degmada Caabudwaaq.
Wareegtadaan ayaa waxa ay timid xilli wasiirka arimaha gudaha uu ku suganyahay gobalka Galguduud isaga oo safarka R/wasaraha Soomaaliya uu gobalkaasi ku marayo ku wehliyo.
Xalay ayaa R/wasaaraha Soomaaliya uu kala diray maamulkii horay uga arimi jiray degmada Caabudwaaq kadib kulan ay wada qaateen isaga oo shaaciyay in dowlada Soomaaliya ay u magacaabi doonto maamul kumeel gaar ah oo lix ilood shaqeeya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com |
|
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|