|
|
Qaadista Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya Maxay Kadhigan tahay Xiligan ? |
|
Laga soo bilaabo Sanadkii 1993 waxaa dalka Soomaliya cunaqabateyn laga saaray in Hub lasoogeliyo waxaana arintaas dusha kala socday Qaramada Midoobay, waxaana Fulinteeda loo xilsaaray Kooxda Moniterin-Gruop Looyaqaan ,waxaana xayiradan Soomaliya kuwehliyey dalka Ereteria.
Dawladihii dalkeena loodhisay ayaa dhammaantood iskaga mid ahaa dalabka qaadista Cunaqabataynta Hubka,waxaase kuguulaystay mudo gaaban Dawlada Federaalka ah ee xiligaan.'
Su,aasha taagani waxay tahay maxay kadhigantahay Qaadista cunaqabatayntu?waxaana laga bixinayaa Jawaabo kala duwan ,Waxayna ka imaanayaan Shaqsiyaad iyo weliba Madaxda Maamulada Dalka qaarkood.
Waxaana arinta diidmada sabab looga dhigay dhowr qodob waxaana ugu muhiimsan:-
1:- Hubka oo baqdin looga qabo inuu galo gacan Qabiil,
2:- Inay helaan Kooxaha dagaalamayaa Hub farabadan uuna kugaaro Habsi Ganacsi,
3:- Inuu hubkani abuuro colaado cusub oo dalka kadhasha.
Fikradahaasina waxay intooda badani kadhexguuxayaan Bulshada Soomaliyed oo kadhamaaday Aaminkii ay iskuqabeen.
Hadaba maqaalkan oo midaan qormo keliya looga bogan karin ayaan waxaan dulucdiisa kadhigaynaa Hubka waxaa loo fasaxay Qoys laguma sheegin ee waa Qaranka Soomaliyeed, hadii qoys wax loofasxayo horaa loogu fasixi lahaa.
Xeeldheerayaasha Siyaasada Soomaliya ayaa ku macneeyey inay guulaysatay Dawladda Federaalka Soomaliya, waxaase Arintaas kaduwan maantaba kudhawaaqay madax katirsan Maamulada Puntland,& Somaliland, waxaana lasugayaa kuwa Kale sida ay uga Jawaabaan arintan soo korortay.
Akhristow waxaad ogaataa hadii aan dhowrano ciidamada shisheeye iyo hubkooda waxqabadkiisa inay lamidtahay qof Abuurtay miro duban hadana sugaya inay usoo dhashaan, taasina waa midan horey loo arag.
Ugu danbayntiina waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Dawladda Soomaliyed inay Hubka dalkeena lasoogelinayo kadhigaan Mid lagu abuuro Qaran balse ay kafogaadaan tuhunka hadaba jira ee kusaabsan in dad gaara uu gacantooda gelayo.
Bulshada Soomaliyeedna waxaan kula dardaarmi lahaa in lasoo celiyo is aaminadii iyo walalnimadii meeshana laga saaro Tuhunka iyo sida xun wax usheegista aan faa,iidada noolahayn.
Suldan Ali Abdulahi Hassan
Sweden Västerås
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com |
|
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|