Latest Media
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
Daawo Muuqaal ahaan...
[15-06-2013 00:28]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[15-06-2013 00:23]
Daawo Shacabka Giri...
[15-06-2013 00:16]
     
Turkiga oo Muqdisho ka bilaabay Fulinta Qaar kamid ah Mashaariicdii uu horey u balan Qaaday (Daawo Sawirada)
Dowlada aan Walaalaha nahay ee Turkiga ayaa Muqdisho ka bilowday fulinta qaar kamid ah Mashaariicdii eey horey u balan qaaday in ee fulinayaan taas ee qeyb weyn ka ahaayeen dhismaha Wadooyinka Muqdisho ,Isbitaalada ,Goobaha Waxbarasho iyo goobo kale oo muhiim ah.

Hada Waxaa Magaalada Muqdisho qeybo kamid ah kasoconaya qorsho lagu dhisaayo laamiyadii ku bur buray Dagaaladii Dalka kasocday mudo sanado badan ah iyadoona hada Turkiga ee dhismo ku bilaabeen marsho biyoodyada laamiyada waa weyn si marka ee dhameeyaan hadana u bilaabaan dhisida laamiyada .

Turkiga ayaa hada dhisay Marsho biyoodyo badan gaar ahaan laamiyada aadka muhiimka u ah sida laamiga isku xira Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo isgooska KM-4 oo hada gabi ahaan la dhisay Marsho biyoodyada kuyaala.

Dhismahan Turkiga ku sameeyeen Marsho biyood yada yaa ah kuwa aad u heer sareeya oo loo dhisay qaab aad u fiican misana la shubay iyadoona sahal aheyn in ee xilo dhaw bur buraan taa oo dad badan aad usoo dhaweeyeen.

Inta badan goobaha dhismooyinka kasocdaan waxaa lagu arkaa oo yimaada Injineero Turki ah iyo shaqaalo kale oo Turkiga ah oo kormeera sida hoosha usocoto gacan weyna ka geesta habsami usocodka hoolaha ee wadaan.

Kaliya maahan laamiyada ee waxaa jira Mashaariic kale ee Turkiga ka fuliyeen Muqdisho iyo qaar wali socda sida dhisida Isbitaalada waa weyn ,Iskuulo waxbarasho iyo goobo kale oo dalka iyo dadka Soomaaliyeedba muhiim u ah iyadooan Turkigu balan qaadeen in la maateeneyo Ankara iyo Muqdisho dib u dhis weyna magaalada lagu sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com













     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.