Aqriso Magaca Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu Dilay Gugleeto kadib markii Kooxo Manaxayaal ah ee weerareen
Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in deegaan katirsan Magaaladaasi xalay lagu dilay Muwaadin Soomaali ah halka mid kalana dhaawac la gaarsiiyay.
Kooxo Madow S/African ah oo ku hubeesan Bistoolado ayaa Weeraray Goob ganacsi ee joogaayeen Wiilal Dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku yaala Deegaanka Guguleeto oo katirsan Magaalada Cape Town halkaas ee ka geesteen Dil , Dhaawac iyo Dhac kadibana goobta iskaga baxsaday.
Kooxaha Burcada ah ayaa toogtay C/Risaaq Nuur Maxamuud(Cabdi Kuu) oo ahaa Wiil dhalinayro ah iyagoona dhaawacay Wiil kale oo qaraabo yihiin oo isna goobta kula sugnaa xiliga la weerararay iyadoona Tuugada sidoo kale goobtaasi ee dhac ka geesteen.
Ganacsatada kunool Goobta dilku ka dhacay ayaa falkan aad uga naxay iyadoona Maanta inta badan ee hadal hayaan Dilka xalay loo geestay Walaalkood Soomaaliyeed iyagooan ku mashquulsan duugta Marxuunka la dilay.
Booliiska S/Afrika oo soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in ee baarayaan falkan dilka ah eena gacanta kusoo dhigi doonaan kooxihii ka dambeeyay ,inkastoo eesan Soomaalida hadalkaasi rajo weyn ka muujin Booliiskuna mar waliba sidaa yiraahdaan.
Safaarada Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika ayaa iyadu lagu eedeeyaa in eesan wax badan ka qaban Dilalka iyo Tacadiyada kale ee Soomaalida loogu geesto Dalka Koonfur AFrika kuwaa oo noqday kuwa mar waliba soo lab laabta.