War deg deg ah: Doorashada madaxtinimda Kenya oo wax isdaba marin laga soo wariyay amarna lagu bixiyay in lajoojiyo tirinta codadka.
Kalonzo Musyoka oo ah madaxweyna ku xigeenka dalka Kenya ayaa waxa uu shaaciyay daqiiqada kahor in goobaha lagu tirinayo codadka ay ka dhacday wax isdaba marin tii ugu weyneed, isaga oo isla markaana amar ku bixiyay in lajoojiyo tirinta codadka si looga fogaado dhibaata dheeraad ah.
Waxa uu yiri Kalonzo Musyoka, “Waxa aan heynaa Cadeymo muujinaya wax isdaba marin. Waxa dib maalin kasta loogu dhigayo ku dhawaaqida natiijada waa arin ku tala gal ah. Waxa aan amrayaa in lajoojiyo tirinta codadka”.
Riola Odinga iyo Uhuru Kenyatta ayaa wali isku xiga kala horeynta murashixiinta doorashada madaxtinimda dalkaasi iyada oo dhowr maalin dib u dhacya ku imaanayeen ku dhawaaqida natiijada doorashada.
Dhanka kale, waxa uu ka codsaday in shacabka Kenya ay iska ilaaliyaan wax qalalaasa ah oo amaanka dalka wax u dhimi kara.
Cabsi tii ugu xooganeyd ayaa waxaa laga qabaa in qalalaase uu ka dhasho natiijada doorashada iyada oo laxasuusto doorashadii sanadkii 2008-dii oo kumanaan ay kudhinteen malaayiinna ay ku baba bexeen.