Latest Media
Daawo Booliiska dal...
[20-06-2013 00:09]
Daawo Askarigii boo...
[19-06-2013 23:50]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[19-06-2013 17:29]
Daawo Muuqala ahaan...
[18-06-2013 00:02]
Daawo 10-ka Buundo ...
[17-06-2013 23:55]
Daawo Muuqaal Ninka...
[17-06-2013 01:51]
Daawo Darawal ka ya...
[17-06-2013 01:05]
Daawo Dabaq kale oo...
[16-06-2013 00:51]
Daawo Muuqaal ahaan...
[16-06-2013 00:21]
Daawo 84-jir Iskoor...
[16-06-2013 00:03]
     
Dhacdo naxdin leh Markii Nin Soomaali ah oo si arxan daro ah midi ula dhacay Haweeney uu qabi jirey(Daawo Muuqaal+Warbixin)
Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Burco ee maamulka Soomaaliland ka dib markii uu nin ku nool magaaladaas uu si arxan daro ah uu midi ula dhacay haweeney uu qabi jirey oo ay kala tageen.

Daawo Muuqaal Ahaan Dhacdadaan Naxdinta badan

Ninkaan geystey falkaas naxariis darada ah oo lagu magacaabo Siciid Diiriye Cabdi ayaa waxaa la sheegay inuu ugu soo dhacay guriga ay ku nooleyd haweeneydaan ka dibna uu si xun oo arxan daro uu ula dhacay mindi ama toorey, taas oo keentay inuu haweeneydaan uu halkaas ka soo gaaro dhaawac halis ah, haweeneydaan oo lagu magcaabo Safiya Maxamuud Maxamed ayaa waxaa horey u qabi jirey ninkaan hada tooreyda la dhacay ayagoona isku lahaa ilaa iyo 3 caruur ah, haweeneydaan ayaa waxay sheegtay inuu ninkaan uu dhawaantaan ka codsaday inay isku noqdaan oo uu ku soo laabto laakiin ay arintaas ay iyadu diiday ka dibna uu ninkaasi uu sidaas naxariis darada ah uu ula dhacay mindidaas asagoona ujeedkiisu uu ahaa inuu dilo haweeneydaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas oo goobta ka baxsaday ay booliiska gobolka Togdheer ee magaalada Burco ay baadi goob ugu jiraan ayaa hweeneydaan oo uu falkaas naxariisdarada ah ka soo gaarey dhaawac halis ah islamarkaana ku sugan isbitaalka oo lagu dabiibaayo dhaawacayadeeda ayaa waxay sheegtay inuu ninkaas si xun oo naxariis daro ah uu ula dhacay mindidaas islamarkaana ay nolosheeda ay u baqday, dadka ku nool deegaanka uu shilkaas ka dhacay ayaa waxay sheegayaan inuu ku soo badanaayo waayadaan fal dambiyeedka noocaas ah oo ay ragiina noqdeen kuwo mar walba beegsada haweenka una geysto dil ama dhaawacyp halis ku ah noloshooda.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com



     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.