Maxaad kala Socotaa Qaabka ee u shaqeyso Safaarada Somalia ee Dalka S/Africa(Warbixin iyo Sawiro)
Waxaa kasoo kicitimay Magaalaada Durban ee Dalka Sauth africa maalintii Sabtidii 8.dii Habeenimo anaga oo u badan dad howlo kala duwan u kala socda magaalooyinka Johansburg iyo Protoria waxaana ilaa habeenkii aanu saarnayn Buskii nawaday ilaa uu Subixii nakeenay Magaaladii an ujeedku ahaa inaan imaao oo ahayd Johannesburg si aaan halkaa ugu dego.
asxaab badan oo aan ku lahaa ayaa aad iigu soo dhawesay magaalada iyaga oo gaari iiga soo qaaaday xaruntii basaska ee New Town iina galbiyay Hotelkii aan kadegi lahaa Magaalada waxaana halkaa kaala kulmaay soo dhaween ka duwan midii aan filayay,inkastoo aan daal dareemayay haadane wax Hurdo ah waa ladi waayay waayo dabeecadeeda aayaa ah hadii aan si aad ah u daalo inaan hurdi karin isla markiiba waxaa indha indha indheyn u galay meelahaa ay soomaalida kubadanyihiin aniga oo iskala sheekeesanayay asxabtii wariyashii halkaa igu soo dhaweeyay iyadoo qof walba uu iga dareemi kaaray inaan Safar soo galay.
Maalintii isniinta oo ay taarikhdu kubeegnayd 3/March/2013 ayaa go,aankaygu aahaa inaan si toos ah u abaaro Magaalada PROTORIA oo ahayd meesha ay ku taalo safaarada soomaaliyaa ee dalka koonfur africa si aan ugu soo dhameesto arimaha bixitaankayga Dalka Somalia maadaama aay ahayd meesha kaliya ee dadka soomaalida ah ee doonayay in ay dalkooda kulaabtaan ay kaaheli kareen howlo kusaabsan arimahaa safarka,waxaana gaari karaacay Johannesburg waxaana saacado kadi gaaray xarunta safaarada waxaana ahayd mid lama filaan ah maadaama aan ku arkay waxyaabo badan oo aan islahayn waayo waxaa klu arkaysaa dad aad ufara badan oo doonayay in dalka dib ugu laabtaan kuwaa oo isugu jira Rag Dumar Haween Caruur kuwaa iyaga wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo in ay dalka kulaaban karaan si sharci ah.
Aniga oo markii hore xubin katirsan safaarada oo u qaaalbilsan isku xirka safaarada iyo warbaaahinta sii wargaliyay imaatinkayga ayaa waxaa halkaa igu soo dhaweeyay mas,uulkii aan wada hadalnay ee doonayay in uu wax ila furdaamiyo waxaana uu iga qaaday warqada sharcigayga iyada oo howlo badan kasocdaan safaarada oo dad badani buuxaan hadaane dadka ama qof walba oo safaarada imaado wuxuu leeyahay tixgalin iyo in si isku mid ah loo qaabilo inkastoo ay dadka qaarkii mesha buuq kadhigeen maadaamaa ay dulqaadan waayeen dib udhac safarka ah kuwaa oo mas,uuliyintii safaarada ee aan waydiiyay iigu sheegeen in dhibaatada ay tahay diyaarada Kenya Airways oo maalmahan imaan maadaama doorashooyinka kasocda dalkeeda ay u imaan waysay laakiin ay maalmahan rajeenayaan.
Diiwaan galin iyo in la iska qaadaa lacagta qidmada ee laguugu adeegaayo kadib hadane safaarada waxaa ay xiriiro la leedahay hay,adaha sharciyada ee dalka koonfur africa ee waaxda socdaalka iyo hay,adaha amaankaa kuwaa oo dhamaan ah ilihii ay safaarada kushaqeen lahayd.
Dhulka ay kufadhiso safaarada ayaa ah mid wayn oo aad u qurux badan waxaaana aagaa ay kutaalo looga magac daray dhulkii safaaradaha waayo waxaa kuyaalo dhamaan safaarada ugu waawayn caaalamka tusaale ahaan safaarada Holland ayaa deris laa ah teena iyadoo ay sidoo kale deris latahay safaaradaha Suudaan,Kuwait,Kenya,DRC Gongo,Bilguim iyo kuwo kale oo badan waana guri aad u wayn xafiisyo badan shaqaaalo badana joogaaan.
Aniga oo kudhex wareegaya safaarada gudaheeda uuna ila socdo mas,uulkii igu soo dhaweeyay ayaa hadane waxaa safaarada gudeheeeda iyo iridaba ka kulanaya Calanka Buluuga Ee Somalia taa oo kuu muujinaysa in ay qaranimadii somalia wali jirto inkastoo dalkan soomaalida lagu dhibaaateeyo,waxaana aad ula dheceesaa sida laguu soo dhaweenayo isla markiibana arimahaaga laguugu dhameenayo sida ugu fudud ee macquul ah.
Safiirka soomaaliya ee sauth africa inkastoo Waqtigiisa yaraa oo waxaa maalintaa ujoogay wafdigii wasiir kuxigeenka wasarada arimaha dibada ee somalia e Jamaal Barrow oo dhamaan hal miis kuwada shaaheenay iyada oo safiirka dadka safaarada imaanaya ay su,aalo waydiinayaan isaga oo kursi soo dhex dhigtay si uu ugu muujiyo howlihiisa wuxuuna soomaalida ku amaanay sida ay u jecelyihiin qaranimadaa isaga oo si qaas ah iigu sheegay in ay safaaradan howlo badan somaalida uqaban doonto.
Soomaalida doonaysa in ay kulaabtaan dalkooda ayaa waxaa ay 2 gudahooda ay safaarada ugu qabanaysaa dhamaan aadeegyadii ay ubaahnaayeen iyada oo xiriiri lasameenaysa hay,adaha sharciyada waxaana safiirka sidoo kale sheegay in ay wadaan in keenaan Pasaportkii somalia si Ganacsatada dalkan hantida ku leh ay dalkooda u aadi l;ahaayeen una soo laaban lahaayeen.
Gabagabadii safaarada ayaa hada waxaa ay shaqeesaa muddo kayar 2 bilood ah waxaana kasocda howlo aad u badan iyadoo shaqaalaha kashaqeeya safaarada ay yihiin kuwo yaqaaana habka shaqada iyo soo dhaweenta mas,uuliyiinta safaarada ayaa iyaga soo dhex gala dadka imaanaya safaarada si ay ugu sheegaan caqabadaha hor taagan,waxaana aniga ahaanteeda maqaalkan u doortay markii aan arkay arimahaa socdaa iyo wadooyinka dhibka badan ay safaarada dhabarka u ridatay ee mararka qaar dhici karto in waraaqihii ay hayeen dib looga soo celiyo si loo saxo taa oo ah caqabad wayn maadaama inta badan ay hay,adahaa dalkan ay iska dhib badanyihiin siiba kuwa sharciyada bixiyaa.
W/Q/Cabdullahi Xasan Sulayman[Baliil]
Baliilkhan10@hotmail.com
Johansburg-South Africa
0027783766182