Latest Media
Daawo Muuqaal Ahaan...
[26-05-2013 00:43]
Daawo ciidamada Cir...
[25-05-2013 02:03]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[25-05-2013 01:36]
Daawo Muuqaal ahaan...
[24-05-2013 23:55]
Daawo Hoogaamiyihii...
[24-05-2013 16:43]
Daawo Muuqaal ahaan...
[24-05-2013 00:25]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[24-05-2013 00:09]
Daawo Muuqaal ahaan...
[23-05-2013 01:21]
Daawo Dabeeysha dil...
[23-05-2013 01:11]
Daawo Muuqaal Ahaan...
[22-05-2013 22:12]
     
Maalinta haweenka aduunka oo Muqdisho looga xusay Daljirka dahsoon kadib ismari waa soo dhex galay hogaanka haweenka Soomaaliyeed.
Guriga hooyooyinka Soomaaliyeed oo dhawaan dayactir lagu sameeyay lana filaayay in maanta lagu xuso maalinta haweenka aduunka ee sideeda Marso ayaa si lama filaan ah fashil ugu yimid arintaasi kadib markii ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo madaxdiisa wali leesku heesto ay ku murmeen cidda xaflada ku qabaneysa.

Batuulo Axmed Gaballe ayaa waxa ay sheegataa in ay tahay hogaanka ururuka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyada oo Ubax Tahliil Warsame iyana ay isku tilmaamatay in ay tahay hogaanka ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed, waxaana arintoodu ay gaartay wasaaradaha arimaha gudaha iyo horumarinta Bulshada oo labaduba isku raacay in gurigaasi labada urur ee isku bar bar ordaya midkood uusan wax xaflad ah ku qabsan Karin ilaa ay yimaadaan iyaga oo israacsan.

Intaasi kadib ayaa garabka ay hogaamiso Batuulo Axmed gaballe waxa ay xafladoodii ku qabsadadeen Daljirka dahsoon halkaasi oo ay uga qeyb galeen bushada dhinacyadeeda kala duwan, waxaana halkaasi gaada ka ciyaar kusoo bandhigay haweenka Soomaaliyeed ee ciidamada kamidka ah iyaga oo weyneynaya maalintaan qiimaha u leh haweenka dunida oo dhan.

Gaballe oo munaasabada ka hadashay ayaa tiri, “Laba iyo labaatan sano oo aan loo naxariisan ayey soo mareen haweenka Soomaaliyed. Wali xerya qaxooti ayeey ku jiraan. Istitaal la’aan ayeey dhiig bax ugu dhintaan. Waxaan filayaa in hada wixii ka danbeeya aan wanaag ku noolaa doonno”.

Maalinta haweenka dunida oo xuskeedu uu soo bilaawday 1909-kii ayaa waxa ay tahay maalin lagu xasuusto haweenka laguna soo bandhigo dhibaatooyinka loo geesto haweenka oo u dub dhexaad u ah hanaanka geedi socodka aduunka.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.