Latest Media
Gooshii Difaacatay ...
[06-07-2017 10:14]
Dhibka Tahriibka iy...
[02-07-2017 00:13]
Guurka Ilma adeerad...
[01-07-2017 23:47]
GOOSHII DIFAACATAY ...
[20-06-2017 02:13]
Gool Difaacanaysa C...
[13-06-2017 03:54]
Shirkadda Korantada...
[03-06-2017 18:51]
Barnaamij !Quraanka...
[28-02-2017 23:56]
Daawo Toos CaleemaS...
[22-02-2017 02:33]
Shirqoolkii uu Daji...
[21-02-2017 10:00]
Yaxaaska Dilaaga ah...
[07-02-2017 17:48]
     
Yaa ka dambeeyey buun-buuninta kiiska C/kariin qalbi dhagax ee lagu wareejiyey Itoobiya?
Inkastoo Soomaalida ku dhaqan dal iyo dibed ay si weyn uga qiiroodeen go’aankii dowlada Somalia dhigeeda Itoobiya ugu gacan gelisay C/kariin Qalbi-dhagax oo ka tirsanaa Jabhada ONLF, haddana waxaa aad loo aaminsan yahay in arintaas aad loo buunbuuniyey.

Wax cusub maaha in dowlad caalamka ka tirsan ay dowlad kale ku wareejiso qof ay doon dooneysay balse wareejinta Qalbi-dhagax xiisada ka dhalatay ayaa salka ku heysa Soomaalida oo xasaasiyad ka qabta Itoobiya, maadaama labada dal ay horey dagaalo badan u soo dhexmareen.

Iyadoo arintaas ay jirto ayaa kiiska qalbi dhagax waxaa fursad dahabi oo cirka ka soo dhacday u arkay cadow fara badan oo dowlada Somalia markii horeba ul nooc ah ugu tukubayey, waxayna baraha bulshada iyo goobaha lagu kalmo ku baahiyeen dacaayado ka dhan ah dowlada iyo madaxda sare iyagoo sheegaya iney ku kaceen qayaano Qaran iyo wax la mid ah, waxayna arinta qalbi dhagax gaarsiiyeen meel halis ah oo ay ku sigatay inuu dhaco kacdoon dadweyne oo qatar gelin karay jiritaanka dowlada Somalia.

Dhinacyada arintaas ka faaiideystay waxaa ugu weynaa:-

1-Siyaasiyiin Mucaarad ah oo xilal ka soo qabtay dowladii hore, kuwaasoo hankoodu uu ku kooban yahay oo kaliya iney jagooyin ka helaan dowlada madaxweyne Farmaajo oo ay liiskeeda iska waayeen, waxaana siyaasiyiintan ay baraha bulshada iyo warbaahinta u adeegsadeen fidinta dacaayadahooda iyagoo iska dhigaya sidii iney wadaniyiin yihiin.

Kiiska qalbi dhagax oo ahaa mid gilgilay dowlada saameyn baddana yeeshay ayaa hadda u muuqda mid iska damay ka dib markii shacabka Soomaaliyeed ay fahmeen ujeedada guracan ee laga lahaa arrintaas oo aheyd in lagu dumiyo dowlada Soomaaliya, meeshana laga saaro iftiinka yar ee u baxay qaranimada dalka.

Maxaa dhici lahaa haddii dowlada Somalia diidi laheyd iney itoobiya ku wareejiso Qalbi dhagax?

Itoobiya waa dowlad saameyn milateri iyo mid siyaasadeedba ku leh Soomaaliya, waxayna galangal xooggan ku leedahay dowlad goboleedyada ka jira dalka oo xiriir toos uu ka dhexeeyo sidaas awgeed haddii dowlada Somalia ay ka cagajiidi laheyd wareejinta qalbi dhagax waxay taasi horseedi laheyd inuu xumaado xiriirka labada dowladood.

Siyaasiyiinta hadda iska dhigaya wadaniyiinta haddii qalbi dhagax loo diidi lahaa Itoobiya dhanka kale ayey fekerkooda u rogi lahaayeen waxayna ku doodi lahaayeen in hal nin oo Jabhad ah awgeed ay dowlada Soomaaliya u xumeysay xiriirkii kala dhexeeyey dowlada Itoobiya oo ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo dowlada ka difaaca weerarada Al-shabaab.

Waxay kaloo dadka ka dhaadhicin lahaayeen in Madaxweyne Farmaajo sabab qabiil awgeed uu u diiday inuu Itoobiya ku wareejiyo Qalbi dhagax, maadaama ay ka soo wada jeedaan beesha Daarood, sidaas awgeedna uu halis u geliyey jiritaanka iyo qaranimada Somalia maadaama nin ay isku qabiil yihiin darteed uu u xumeeyey Itoobiya oo saameyn ku leh arrimaha Somalia.

Haddaba marka arimahaas oo dhan meel la iska dhigo, ciidamada Itoobiya waxay la dagaalamaan Al-Shabaab oo ah mucaaradka hubeysan ee dowlada Somalia, sidee suuragal ku tahay in dowladeena ay gabaad siiso rag ka tirsan mucaaradka hubeysan ee Itoobiya?.

Maxaa Xal ah?

Si dhibaatada ka dhalatay kiiska Qalbi dhagax oo kale looga fogaado waxaa dowlada Somalia la gudboon labo qodob oo kala ah:

1-Iney xubnaha Jabhada ONLF ee ku sugan dalka ku wargeliso iney dalka isaga baxaan, isla markaana raadsadaan meelo kale.

2-In la helo, heshiisyo, shuruuc iyo nidaam dowli ah oo lagu maareeyo haddii uu soo laabto kiiskan oo kale ama loo baahdo in dowlad kale lagu wareejiyo shaqsiyaad la doon doonayo.



Waxaa diyaariyey:
C/raxmaan Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com



Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com



     
News From The World
BBC Hausa Short Story Writing Award for female writers 2017 BBC World Service International Publicity to BBC
16-09-2017

Uganda's Makerere University investigates degree cheats
14-09-2017

Saudi Strategic Suicide In Yemen And Muslim Scholars
14-09-2017

Photographer wins 'monkey selfie' legal fight
12-09-2017

Somalia: ONLF Member Transferred to Ethiopia Was Terrorist, Regional Threat
07-09-2017

Ministry of Commerce and Industry dissolves Somali Chamber of Commerce and Industry.
30-08-2017

German Government contributes 23 million Euro towards strengthening health systems in Puntland
30-08-2017

Al-Shabab attacks and burns buildings inside Kenya
30-08-2017

The murderers of late Galgadud PC finally captured.
30-08-2017

Belgium launches twin investigations into knife attack
26-08-2017

U.S. forces in Somalia raid; three children reported among dead
25-08-2017

WHO and Federal Ministry of Health of Somalia Call for Urgent Support to Address Measles Outbreak in Somalia
16-08-2017

What the surrender of Robbow means to the government?
15-08-2017

Muslims in the Crosshairs of Hate (By Abuukar Arman)
14-08-2017

Somali insurgent leader Robow defects to government
13-08-2017

Somalia celebrates 3 years polio-free: WHO urges continued caution
13-08-2017

Israel moves to shut down local operations of Al Jazeera
07-08-2017

China formally opens first overseas military base in Djibouti
01-08-2017

Somalia: Al-Shabab Forces Burn Villages (Human Rights Watch )
27-07-2017

Ethiopia urges illegal workers in Saudi Arabia to come home
25-07-2017

Nigeria has 'largest number of children out-of-school' in the world
25-07-2017

AL-MADIINA QURAAN ONLINE Viber/imo/whatsapp: +252634484123
19-07-2017

BBC Somali celebrates its 60th Anniversary
15-07-2017

Tribute to Sharif Abdinoor: The Preeminent Scholar of Somalia (1941-2017)
13-07-2017

This is why al-Shabab won’t be going away anytime soon Washingtonpost
06-07-2017

Four aid workers killed in Somalia in past half year
06-07-2017

Somalia congratulate the Government and People of the United States of America
05-07-2017

     
     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.