Latest Media
Gooshii Difaacatay ...
[06-07-2017 10:14]
Dhibka Tahriibka iy...
[02-07-2017 00:13]
Guurka Ilma adeerad...
[01-07-2017 23:47]
GOOSHII DIFAACATAY ...
[20-06-2017 02:13]
Gool Difaacanaysa C...
[13-06-2017 03:54]
Shirkadda Korantada...
[03-06-2017 18:51]
Barnaamij !Quraanka...
[28-02-2017 23:56]
Daawo Toos CaleemaS...
[22-02-2017 02:33]
Shirqoolkii uu Daji...
[21-02-2017 10:00]
Yaxaaska Dilaaga ah...
[07-02-2017 17:48]
     
Ardaydii ugu badneyd oo u fariisatay Imtixaanka Ogolaanshaha Jaamacadda Jobkey (Daawo Sawirro)
Xarumaha Jaamacadda Jobkey ku leedahay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa lagu qabtay imtixaanka ogolaanshaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas ee sanad dugsiyeedka 2017-2018 kaasoo ay u fariisteen arday kumanaan gaareysa.

Diiwaan hayaha Jaamacadda Jobkey C/naasir Maxamed Caddow ayaa sheegay in Jaamacada ay sanadkan soo dalbadeen arday ka badan 2,500 oo dhamaantood ka soo baxay dugsiyada sare ee dalka, isuguna jiro hablo iyo wiilal, kuwaasoo uu xusay iney soo dalbadeen 6-da kuliyadood ee ay Jaamacaddaas ka kooban tahay.



“Waxaa sanadkan u fariistay imtixaanka ogolaashaha ku dhowaad 2,500 oo arday oo u qeybsan sidan: xarumaha Jaamacada ee ku yaalla Muqdisho waxaa fariistay arday tiradoodu dhan tahay 1,721, halka degmooyinka Afgooye, Jowhar iyo Belad-weyne ay fariisteen arday gaareysa 589, wadarta guudna waxay noqotay 2310 arday” ayuu yiri C/naasir Maxamed Caddow.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacadda ay sanadkan u fariisteen arday aad uga badan kuwii sanadihii hore wuxuuna xusay in imtixaankan lagu qiimaynayo heerka aqoonta ardayda cusub ee Jaamacada ku biireysa.

“Waxaa farxad inoo ah maanta inaan qabano Imtixaanka soo gelintaanka ama qubuulka ee Jaamacada Jobkey ee sanadka 2017-2018, waxaana u fariisanaya sanadkan ardaydii ugu badneyd abide ee jaamacadan iska diiwaan geliya” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxaa uu sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay kulliyadihii hore ee Jaamacadda, isla markaana kuliyado cusub lagu soo kordhiyey sanadkan.

“Sanadkan waxaan ku soo kordhinay Jaamacada qeybta Masterka taqasusyo cusub oo leh heerar kala duwan waxaana ka mid ah Giology ama barashada cilmiga dhulka iyo beyadda” ayuu intaa ku daray guddoomiyaha jaamacadda Jobkey oo u mahad celiyey guddiyada Jaamacada ee soo diyaariyey imtixaanka iyo isku dubaridkiisa iyo xogheynada oo uu sheegay iney ka soo shaqeeyeen sidii imtixaankan uu ugu dhici lahaa si cadaalad ah, isagoo ardayda imtixaanka u fariistay guul u rajeeyey.

Madaxa Akadeemiyada ee Jaamacada Jobkey Maxamed Xasan Doob ayaa isna ka waramay dedaalka ay Jaamacaddu u gashay qabashada imtixaankan iyo soo dhoweynta ardayda cusub ee ku soo biireysa sanadkan.

Masuuliyiinta iyo macalimiin ka tirsan Jaamacada Jobkey ayaa kormeerayey Imtixaanka, kuwaasoo ku soo wareegay fasalada lagu qaadayey iyagoo u kuur galay qaabka uu u socday imtixaanka, waxayna ardayda tilmaamo iyo tusaalooyin ka siinayeen qaabka imtixaanka loo galayo.












Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com



     
News From The World
BBC Hausa Short Story Writing Award for female writers 2017 BBC World Service International Publicity to BBC
16-09-2017

Uganda's Makerere University investigates degree cheats
14-09-2017

Saudi Strategic Suicide In Yemen And Muslim Scholars
14-09-2017

Photographer wins 'monkey selfie' legal fight
12-09-2017

Somalia: ONLF Member Transferred to Ethiopia Was Terrorist, Regional Threat
07-09-2017

Ministry of Commerce and Industry dissolves Somali Chamber of Commerce and Industry.
30-08-2017

German Government contributes 23 million Euro towards strengthening health systems in Puntland
30-08-2017

Al-Shabab attacks and burns buildings inside Kenya
30-08-2017

The murderers of late Galgadud PC finally captured.
30-08-2017

Belgium launches twin investigations into knife attack
26-08-2017

U.S. forces in Somalia raid; three children reported among dead
25-08-2017

WHO and Federal Ministry of Health of Somalia Call for Urgent Support to Address Measles Outbreak in Somalia
16-08-2017

What the surrender of Robbow means to the government?
15-08-2017

Muslims in the Crosshairs of Hate (By Abuukar Arman)
14-08-2017

Somali insurgent leader Robow defects to government
13-08-2017

Somalia celebrates 3 years polio-free: WHO urges continued caution
13-08-2017

Israel moves to shut down local operations of Al Jazeera
07-08-2017

China formally opens first overseas military base in Djibouti
01-08-2017

Somalia: Al-Shabab Forces Burn Villages (Human Rights Watch )
27-07-2017

Ethiopia urges illegal workers in Saudi Arabia to come home
25-07-2017

Nigeria has 'largest number of children out-of-school' in the world
25-07-2017

AL-MADIINA QURAAN ONLINE Viber/imo/whatsapp: +252634484123
19-07-2017

BBC Somali celebrates its 60th Anniversary
15-07-2017

Tribute to Sharif Abdinoor: The Preeminent Scholar of Somalia (1941-2017)
13-07-2017

This is why al-Shabab won’t be going away anytime soon Washingtonpost
06-07-2017

Four aid workers killed in Somalia in past half year
06-07-2017

Somalia congratulate the Government and People of the United States of America
05-07-2017

     
     
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.