Al Shabaab oo soo bandhigtay Qabiilada iyo Sawirada Dagaalyahano laga dilay (Daawo Sawirada)

Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay Muuqaal laga soo duubay Weerar bilo kahor ay ku qaadeen kuna qabsadeen Deegaanka Buulo Gaduud oo kutaala duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Weerarkan Al Shabaab waxa ay ku dileen Ciidamo badan oo katirsan maamulka Jubbaland, waxa ay sidoo kale Al Shabaab dagaalkaasi ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo saanad milatari oo aad u badan.

Al Shabaab ayaa muuqaalka ay soo saareen ku cadeeyay in dagaalyahano katirsan kooxdooda ku dhinteen dagaalkaasi, waxa ayna soo bandhigeen Sawirada, Magacyada iyo Muuqaalada afar dagaalyahan oo Al Shabaab looga dilay dagaalkii Buulo Gaduud.

Afarta nin ee  Al Shabaab soo bandhigeen laguna dilay Dagaalkii Buulo Gaduud ayaa dhamaantooda kasoo jereda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan beesha Digil iyo Mirifle.

Halkan ka Akhriso Magacyada afarta dagaalyahan ee Shababa soo bandhigeen 

 

1-Cabduqaadir Cali Ibraahin (Beesha Boqol Hoore)

2-Maxamed Macalin Xasan (Beesha Hadamo)

3-Maxamed Nuur Aadan (Beesha Harin)

4-Cabdicasiis Cabdulaahi Muctazim

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com