Askarigii Boosaaso ku dhibaateeyey gabadha 16 jirka ah oo Maxkamad ka soo muuqday (Daawo Sawirro)

Askarigii ka tirsanaa ciidamada Puntland ee Gabadha 16 jirka aheyd ku dhibaateeyay Magaalada Boosaaso ayaa Maxkakamad lagu soo taagay magaalada Kismaayo

Ciidamada Sirdoonka Juballand oo kaashanaya Booliska ayaa maalmo ka hor ka qabtay Kismaayo isagoo dhuumaaleysanaya askarigan oo ka soo baxsaday degaanada Puntland.

Askarigan oo magaciisa la yiraahdo Cabduqaadir Warsame ayaa xabad kaga dhuftay xubinta taranka gabar Faa’izo la yiraahdo oo 16 jir ah ka dib markii ay iska caabisay kufsi uu damacsanaa inuu kula kaco, waxaana haatan gabadhan lagu daweynayaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa horey u sheegay in sharciga la horgeyn doono askariga ka tirsan ciidamada maamulkiisa ee dhibaatada arxan darada ah kula kacay gabadha 16-ka jirka ah, lana marin doono ciqaabta uu mudan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com