Daawo Sawirro la qaaday Wax yar kahor inta uusan Soobe ka dhicin Qaraxii lagu dhamaaday

Waxaa mudo bil ah kasoo wareegtay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan noloshooda ku waayay boqolaal qof oo shacab ah halka kuwa kale oo badana ku dhaawacmeen.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari nuuca xamuulka qaada oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay Isgooska Soobe xili halkaasi ay buuxeen boqolaal qof sidoo kale ay marayeen gaadiid iyo mootooyin badan.

Waxaa markii ugu horeesay la helay Sawir iyo Muuqaal ay duubtay Kaamirada CCTV oo ku xirneyd Isgooska Soobe, waxaana Sawirka ka muuqda sida uu isgoosku ahaa daqiiqad kahgor ionta uusan qaraxu dhacin.

Kaamirada ayaa sidoo kale qabatay gaariga goobtaasi ku qarxay oo rar badan dusha ka saaran yahay, xaalada ayaana daqiiqadaasi aheyd mid caadi ah balse daqiiqad kadib ayaa xaalku is bedelay boqolaal qofna nolosha dhaaftay dhismayaal badana bur bureen.

Masuuliyada  qaraxan lagu dhamaaday wali ma jirto cid sheegatay, Dowlada Soomaaliya ayaana ku eedeesay qaraxan in ay masuul ka ahaayeen Kooxda Al Shabaab oo dagaalka kula jirta dowlada iyo AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com