Daawo Sawirada: Sheekh Umal iyo Xubno kale oo garoonka Aadan Cadde lagu soo dhaweeyay

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo xubno kale oo katirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Garoonka Aadan Cadde waxaa xubnahan kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kamid ah Guddiga Gurmad  Qaran, waxaana xubnahan loo galbiyay gudaha Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay Sheekh Umal iyo xubnaha la socda ayaa wada lacago Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya kunool iska soo uruuriyeen, lacagtan ayaana loogu tala galay in lagu caawiyo dadkii wax kasoo gaareen Muusibadii Soobe.

Soomaalida kunool dalka iyo Dibadiisa ayaa gurmad weyn u fidiyay dadkii waxyeelada xanuunka badan ay kasoo gaartay Qaraxii Isgooska Soobe ka dhacay 14-kii Octobar ee sanadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com