Dowlad Carbeed oo la sheegay in qal qal xoogan galisay Siyaasada Dowlada Somalia

Warbixin kasoo baxday Guddiga Qaramada Midoobay u xil saartay dabagalka xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Imaaraatka Carabta ay qal qal xoogan galisay siyaasada Dowlada Soomaaliya.

Guddigan warbixinta ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Dowlada Imaaraatka Carabta ay gil gishay siyaasada Soomaaliya sanadkan, waxa ayna Guddiga tilmaameen in Imaaraatka lacago laaluush ah siiyeen Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Imaaraaka ku qanciyeen Madaxda maamul goboleedyada dalka in ay ka hor yimaadeen go’aankii dhax dhaxaadka ahaa ee dowlada Federaalka ka qaatay xiisada Wadamada Khaliijka.

Guddiga Qaramada Midoobay katirsan ayaa  warbixintooda ku sheegeen in dawlada Imaaraatka ay madaxda maamul goboleedyada ay kulan u qabatay kadibna ay lacag ku siisay sidii wakiiladooda baarlamaanka Soomaaliya ku jira u carqaladayn lahaayeen go’aanka dhex dhexaadnimada ah ee dawlada  ka qaadatay arrinta khilaafka Khaliijka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dowlada Imaaraatka dadaal badan ku bixisay sidii dowlada Soomaaliya ay uga laaban laheyd go’aanka dhax dhaxaadka ay ka qaadatay xiisada Wadamada Khaliijka.

Dowlada Imaaraatka Carabta oo xiligan saameyn badan ku leh Siyaasada Soomaaliya ayaa dhaqaalo badan ku siisay Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira sidii uga hor imaan lahaayeen go’aankii dowlada Dhaxe ka qaadatay xiisada Khaliijka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com