Fadeexad cusub oo soo wajahday Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Somalia

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada federaalka Somalia ayaa waxaa soo wajahday fadeexad cusub oo la xiriirta iibsashada shahaadooyin been abuur ah oo looga sameeyey Jaamacadda Stafford oo ku taalla wadanka Ugandha.

Wargayska New Vision ee ka soo baxa dalka Ugadha ayaa qoray in xubno ka tirsan hay’adda dambi baarista dalkaas ay su’aalo weydiinayaan maamulka Jaamacadda Stafford oo lagu eedeeyay inay shahaadooyin been abuur ah Soomaaliya u soo direen.

Maamulka Jaamacadda la xiray waxaa lagu eedeeyay inay 79 shahaado oo been abuur ah u soo direen Soomaaliya ayagoo siiyay mas’uuliyiin wasiiro ay ku jiraan sida wargeyska New Vision lagu qoray.

Tiradda iyo magacyadda wasiiradda iyo xildhibaanada Soomaalida ah ee shahaadooyinka been abuurka ah laga iibiyay laguma shaacin warka uu qoray wargeyska New Vision.

Qaar ka mid ah Masuuliiyiinta iyo shaqaalaha dowlada Somalia ayaa la aaminsan yahay iney shaqooyin darajooyin sare leh heleen iyagoo adeegsanaya shahaadooyin Jaamacadeed oo la been abuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com