Madaxweyne Caan ah oo Hees u qaaday Donald Trumo (Daawo Muuqaal)

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Filibiin halkaas uu kaga qeb galay Shirka Urur goboleedka Asian ee Wadamada Koonfur Bari ee qaarada Asia.

Donald Trump waxaa si diiran usoo dhaweeyay una heesay Madaxwenaha dalka Filibiin Rodrigo Dutere  , waxaana labadan Madaxwene la sheegay in uu ka dhaxeeo xariir aad u wanaagsan.

Munaasabad Casho sharaf ah uu sameeyay Madaxweynaha Filibiin ayuu ka qaaday hees caan ka ah dalkaasi oo lagu magacaay IKAW ama adiga, waxaana heestaan Donald Trump si wadajir ah ugu qaaday Madaxweyne Dutere iyo Fanaanada Pilita Corrales.

Donald Trum ayaa si weyn ula dhacay heesta uu u qaaday Dhigiisa Filibiin oo Ereyadeeda kamid aheyd ”Waxaad tahay Qalbigeyga, Waxaa tahay Iftiinka Adduunkeyga”

Madaxweynaha dalka Filibiin  Duterte ayaa markuu heesta dhameeyey si kaftan ah u yiri ”heestan waxaa amar igu siiyey inaan u qaado Madaxweyne Trump.

Halkan ka Daawo Heesta loo qaaday Trump

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com