Mid kamid ah Beelaha Dega Koonfur Galbeed oo taageertay Madaxweyne Shariif Xasan

Madaxweyanaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xiligan wajahaya Cadaadis kaga imaanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Golaha Dhaqanka iyo Siyaasada Beesha Ow-Digil ayaa taageero u muujiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxa ayna Waxgaradka Beesha sheegeen in ay garab taagan yihiin raalina ka yihiin Madaxweyne Shariif Xasan.

Halkan ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Waxgaradka Beesha Ow-digil

Waxaa si sharaf iyo maamuus leh u salaymaynaa Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan salaanta tan ugu qiimo badan midda Islaamka iyo 114-ka Suuradaha quraanka kariimka iyo Sunaha Rasuulka SCW, Salaam ka dib

DUCO

Waxaan marka hore u ducaynaynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed ee nabadda jecel, gaar ahaan, qowmiyadda Digil iyo Mirifle iyo Madaxwaynaha aan jecelnahay Koonfur Galbeed Mudane Sharif Xassan Sheekh Aadan waxaana ugu ducaynayaan cimri dheer iyo cibaado suuban

UJEEDO: – SHIR WADA TASHI AW-DIGIL.

Shir ay isugu yimaadeen dhammaan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, Aqoonyahanda, Culumaa’I diinka iyo Bulshada inteeda kale, shirkaasoo in mudo ah socday laguna tashanaayay xaaladda guud sida dhaqanka iyo siyaasadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo xiisadda ka jirta gobolka Sh/Hoose dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa laga dooday dhaqanka iyo siyaasadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo xiisadda ka jirta gobolka Sh/Hoose

DHAQANKA

Mudane madax wayne waxaan kuu sheegaynaa in dhaqanka Aw-Digil diyaar u yahay inuu garab istaago Dowlada Goboleedka koonfur Galbeed ee aad adigu Madaxwaynaha u tahay isla markaana uu diyaar u yahay inuu taageero hiil iyo hooba, har iyo habeen isagoo muujiyaa dheh, dhow iyo dhiib, laakiin waxaa ayaan daro ah in Digil oo dhan liijaan aad u geliso todoba shaqsi aan beeshooda soo dooran siyaasad ahaana nasiib u yeesheen, haddii beeshooda soo dooratay ha dhexgalaan,waxna ha u qabtaan haddii arinku yahay mid dhab ah

Mudane madaxwayne waxaan kula talinaynaa in Digi oo dhan dhaqankiisa ay kuu sinnaadaan sidii xilkaaga uu u fududaado, annagoo rajaynayno in aad aqbali doontid

SIYAASADDA

Siyaasadda Aw-Digil waa siyaasadda Madaxwaynaha Shariif Xassan Sheekh Aadan, waayo, madaxwaynaha waa nin siyaasi oo rug cadaa ah, geesi ah, daacad ah una siman Soomaliya oo dhan gaar ahaan difaaca qowmiyadda Digil iyo Mirifle oo uu asigu kasoo jeedo, markaa canaasiirta yar waa in ay ka fogaadaan hagardaamadda siyaasadeed ee looga soo horjeedo maamulka Koonfur Galbeed, soona adeegsadeen dad siyaasiyiin Soomaalida ka mid ah.

Haddii aan nahay Digil iyo Mirifle gaar ahaan Digil ma aqbalayno maskaxda, Indhaha iyo dhegahaba waan ku difaacaynaa badbaadinta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Madaxwaynihiisaba

 DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED

Waxaa ka mid tahay Dowlad Goboleedyada dalka ka jira midda ugu facawayn, waxaana lagu amaanaa xadaaradda siyaasadeed ee lagu faano taariikhdeedana leh waa hordhac fariid ah

XAALADDA GOBOLKA SHABEELADA HOOSE

Xaaladda Gobolka Sh/Hoose oo ka tirsan dowlag Gobleedka Koonfur Galbeed, dadka degana ay yihiin dad aad nabadda u jecel oo hormuud u ah Aw-digil waxaa beryanba ama sanooyin badan ka socday dagaal qabiil oo u dhaxeeyay laba qolo oo kala ah Biyamaal iyo Habargidir dhowr jeer ayaan ugu baaqnay gogol nabadeed Aw-digil, gogshaasna waxay ka fidsan tahay degmada Afgooye, mararka qaarkiisana waxaan maqlaynaa Biyamaal iyo Habargidir ayaa heshiinaaya taasi waa ayaan daro daraaw leh, waxaana ku dhaliilaynaa siyaasiyiinta Digil, Mirifle  iyo Aqoonyahanadooda, waayo, uma dhega nugla mana qadariyaan xushmada dhaqankooda leeyahay, umadna waxaay ku dhisan tahay dhaqan.

Digil wuxuu ku maahmaahdaa Haan iyo Haruubkeeda Adaa mudan, Adaa mudan ayuu Burcadka ku dhalaa ninkastoo Aadami ah waxbuu mudan yahay.

Maah-Maah kale Mudac Meeshii Mudan yahay ayaa lagu tolaa, ficilna filaankaaga ku bara, Digil iyo Miriflow ficiltama, ilaaliya sharafttina, maamustiina iyo Maamulkiina Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Naba aa Naas la Nuuga leh.

 

Gudoomiyaha Dhaqanka Ow-Digil

Suldaan Saleemaan Iikow C/Nuur

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com